Axad, Maarso 11, 2012 (HOL)- Guddoomiyaha urur Siyaasadeedka UMMADDA Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa maanta ka hadlay hawlgalka dawladda hoose ee Hargeysa ka waddo Magaalada iyo xariggii la xiray qaar ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka ee magaaladda Gabiley.
Guddoomiye Gaboose ayaa xukuumadda ku dhaliilay qaabka arxandarada ah ee ganacsataddii yaryarayd u burburisay, isla markaana aan loo qorshayn meel la dajiyo, isagoo sheegay in quruxda ay ka horayso dadka oo la hagaajiyo.
“ Madaxweyne quruxdu waa dadka ee daaraha maaha, daaraha dad baa sameeya, madaxweyne bulshadda inteedda badan guri baad kaga jirtaaye sixir barar baa dilay, shaqo la’aan baa dilay oo u baahan inaad ka warhayso, madaxweyne dhagaha inta jeceshay ku sheegayaan baaxadu way ka culustahay, waxaan kula talin lahaa in arrintaasi wax ka qabato la burburiyey, arrinkaasi waxay u baahan tahay dabo qabasho”ayuu yidhi Gaboose.
Sidoo kale, guddomiyaha ururka UMMADDA Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, oo dhowaanna iska casilay wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa ka hadlay Xildhibaanadda golaha Deegaanka degmadda Gabiley ee xabsiga loo taxaabay, isagoo sheegay inay sharci daro tahay, isla markaana xildhibaan ummaddi soo dooratay aanay habooneyn in la iska xidho.
“madaxweynaha arrintaasi Gabiley waxaan kulla talinayaa inuu sharciga raaco oo xildhibaanadaasi ummaddu dooratay xaqa ay u leeyihiin inay shiraan maraan”ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray “ sharci maaha in kuwii sharciga lahaa xabsiga loo taxaabo, Madaxweyne maamulka ku faraya inaad ceebahaaga qarsato, Somaliland halkan waxay ku gaadhay wada tashi, maamulkaaga hoos u eeg waxa ka muuqda dhaliilo, taas oo taariikhdaadda dambe goob madow ka dhigaysa” ayuu yidhi ku soo xidhay hadalkiisa.
In ka badan Tobaneeyo xildhibaan oo ka tirsan golaha Deegaanka ee Gabiley ayaa shalay xabsiga loo taxaabay, kuwaas loo diiday shir ay islahaayeen ku qabsadda xafiiskooda, haseyeeshee, dadweynaha Gabiley ka biyo diiday arrintan lagula kacay xildhibaanadda, taas oo buuq ka dhalisay xadhiga madaxdan, taasina waxay keentay in maanta oodda laga qaado oo la siidaayo, loona fasaxa shirarkooddii.
Arrintan ayaa soo taxnaa muddo sanad ah, kuwaas oo kolba muran ka dhacayey mar kasta oo ay shir iskugu yimaadaan, waxaanay Xildhibaanaddani doonayaan inay maayar cusub doortaan, inkastoo mudddii ay ku meelgaadhka u haysay maayaradda Khadra X. Gaydh ay horumar badan ka hirgalisay gobolka Gabiley, haseyeeshee, xildhibaanadda ayaa ka soo horjeedda maayaradda Khadra Gaydh, waxaanay doonayaan inay xilka ka qaadaan mid cusubna doortaan.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland