Gaari u rarnaa hay’adda WFP oo lagu qafaashay gobollka Galguduud

Axad, Maarso, 11, 2012 (HOL) – Wararka ka soo baxay gobollka Galguduud gaar ahaa degmada Galisoor ayaa sheegaya in kooxo hubeysan halkaa ku qafaasheen gadiid u rarnaa hay’adda cunada aduunka ee WFP.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan deegannka Galisoor kooxo hubeysan ayaa qafaashay gaariga iyo waliba labo ruux oo la socday, lamana garanayo ilaa iyo hadda halka ay la tageen.

Deegaanka Galisoor waxaa gacanta ku haya maamul gobolleedka Galmudug, ilaa haddana ma’jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka, walow wararka qaaar ay sheegayaan in ay jiraan wada hadallo hoose oo u socda saraakiisha maamulka oo la xiriira afduubka loo geystay gaariga u rarnaa hay’adda.

Dadka deegaanka ayaa aad uga xumaaday falka ay kooxaha hubeysan kula kaceen hay’adda, maadaama hay’adda WFP howlo balaaran ay ka waday qeybo ka mid ah bartamaha dalka Soomaaliya.

Afduubkan ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay maamul gobolleedka Galmudug uu ka mamnuucay deegaannada uu ka arimiyo qaar ka mid ah hay’adda samafalka oo ay ka mid ahaayeen hay’addaha UNICEF iyo WHO.

Dhinaca kalana waxaa xusid mudan in falkani uu ku soo beegmaya xili maamulka iyo waxgaradka ku dhaqan degmada Matabaan ee gobollka Hiiraan ka codsadeen hay’adda WFP in ay dib howlaheedii ugu bilaawday degmada, kadib dilkii loo geystay shaqaalle u shaqeynayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya