Maamulka Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo ka codsaday hay’adda WFP inay dib uga howlgasho Degmada

Axad, Maarso 11, 2012 (HOL) — Maamulka degmada Matabaan ee gobollka Hiiraan iyo guud ahaanba waxgaradka degmada ku dhaqan ayaa si wadajir ah ugu codsaday hay’adda WFP in ay dib howlaheedii shaqo uga bilaawdo degmada.

Guddoomiyaha degmada Matabaan C/raxmaan Cabdi Max’ed ‘’Sheekeeye’’ oo ka hadllay dibadbax ay ka qeyb-galeen dadka ku dhaqan degmada ayaa sheegay in maalmihii ugu danbeeyayba ay ka socdeen gudaha degmada kulamo is daba joog ah oo lahaayeen maamulka iyo waxgaradka kuwaasoo looga arinsanayay sidii mar kale loogu qancin lahaa hay’adda WFP in ay dib shaqadeedii ugu bilaawdo gudaha degmada Matabaan ee gobollka Hiiraan.

"Waan og-nahay waana ka xunnahay falkii loogu geeystay degmada shaqaalihii ka tirsanaa hay’adda, ma’aheyn fal ay raali ka ahaayeen dadka ku dhaqan degmad, ma’aheyn fal lagu sii talagalay xitaa in uu sidaa u dhaco, laakiin waxaa geystay qof aan wax garad aheyn, haddana gacanta ayaa lagu hayaa, sidaa daraadeed hay’adda waxaa ka codsaneynaa in ay dib u bilaawdo howlaheedii samafalka," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Matabaan.

Sidoo kale waxaa dhinacooda ka hadllay dibadbaxa waxgarad iyo haween ka tirsan dadka ku dhaqan degmada Matabaan oo dhamaatood sheegay in ay siweyn ugu baahan yihiin gargaarkii ay siin jirtay hay’adda WFP, iyaga oo qiray in falkii ka dhacay degmada uu ahaa mid siweyn looga xumaado.

23-kii bishii December ee 2011, ayeey aheyd markii qof hubeysan uu bartamaha degmada Matabaan ku toogtay Max’ed Salaad iyo Muxudiin Yarow oo ka mid ahaa shaqaallaha hay’adda WFP iyo waliba madaxii NGO Dooyaale C/llaahi Cali oo dhamaatood u joogay degmada kormeer la xiriira sida ay u socdaan howlaha hay’adda ay ka waday degmada.

Lama oga sida ay hay’adda WFP uga jawaabi doonto codsiga ka soo baxay maamulka degmada Matabaan ee ah in dib howlaheedii ugu bilaawdo hay’adda degmada oo ka mid ah goobaha ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee ka barakacay colaadaha iyo abaarahii ugu danbeeyay ee ku dhuftay qeybo badan oo ka tirsan bartamaha dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya