Dagaalkan oo ka dhacay deegaan 11-km dhinaca galbeed kaga beegan Baydhabo ayaa wuxuu qarxay markii ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ay weerar ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas.
"Howlgalka wuxuu ahaa mid lagu adkeynaya ammaanka Baydhabo, waxaana fuliyay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya wayna ku guuleysteen," ayuu yiri C/fitaax Geeseey oo ka hadlay dagaalkaas.
Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin dagaalkii xalay ay kula galeen deegaanka ka baxsan Baydhabo, iyadoo aan la ogeyn cidda gacanta ku haysa deegaankii lagu dagaalamay.
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in dagaalkii askarta ku dhintay dagaalkii xalay uu ka mid ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabi jiray Col. Cali Aadan.
Dagaalka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu shalay dagaal khasaare badan geystay ku dhexmaray ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab deegaanka Yurkud oo kala qaybiya gobollada Bay iyo Gedo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya