Goobjooge ayaa sheegay in saddex garnayl ama bamaabo uu gaari yar uu ku tuuray goob basaska laga raaco halkaasoo ay ku sugnaayeen dad fara badan oo doonayay inay basas ka raacaan.
Booliiska Kenya ayaa qaraxaas ku eedeyay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya oo dagaal kula jira ciidamada Kenya, dhawaanna ku dhawaaqay inay la midoobeen Al-Qaacida.
Weerarkan oo kale ayaa wuxuu Nairobi ka dhacay bishii Oktoobar ee sannadkii hore markaasoo ruux Kenyan ah uu dhowr qof ku dilay bam uu ku tuuray goob gaadiidka laga raaco tiro kalena uu ku dhaawacay.
"Tani waa fal fulaynimo ah oo ay Al-shabaab ka dambeysay," ayuu Charleds Owino oo ah afhayeen u hadlay booliiska Kenya u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. "Balse ma joojinayno dagaalka. Waan helaynaa kuwii falkaas ka dambeeyay."
Ma jirto koox sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas. Laakiin Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore ku hanjabtay inay qaraxyo la beegsanayso Nairobi iyo meelo kale oo Kenya ka tirsan.
Charles Najenga oo ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa ayaa sheegay in laga tuuray bambooyinka gaari yar, wuxuuna yiri: "Anigu waan ka badbaaday waayo waxaan ku jiray baska marka ay wax dhacayaan, dad badan ayaana xilligaas baska fuulayay."
Kenya ayaa waxay ciidamo fara badan kaga sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya halkaasoo ay kula dagaalamayaan Al-shabaab, waxaana weerarka loo maleynayaa inuu xiriir la leeyahay faragelinta ciidan ee Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya