Guddoomiyaha gobolka Bay C/fitaax Maxamed Geeseey oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wafdigan ka socday Qaramada Midoobay ay u kuurgaleen xaaladda ka jirta gobolka iyo sidii ay dadka u caawin lahaayeen.
"Hay'adaha yimid Baydhabo waxay ahaayeen 16-hay'adood waxaa ka mid ahaa: WHO, World Vision iyo UNOCHA, waxaana hoggaaminayay Mark Bowden," ayuu yiri Geeseey oo sheegay in hay'adahan ay xaaladda degmada ka jirta.
Mark Bowden iyo wafdigiisa ayaa waxay socod ku mareen gudaha Baydhabo, iyagoo tagay xarumo ay hay'adaha UN-ku ku leeyihiin xarunta gobolka halkaasoo ay laga eryay markii Al-shabaab ay gacanta ku haysay.
Hay'adahan ayaa waxaa lagu wadaa inay mar kale dib ugu laabtaan Baydhabo dhamaadka bishan markaasoo ay ka furi doonaan xafiisyadooda si ay u caawiyaan dadka deegaankaas ku nool.
C/fitaax Geeseey ayaa sheegay in hay'adaha Baydhabo booqday ay ahaayeen kuwa samofalka oo aysan ku jirin kuwo siyaasadeed, wuxuuna sheegay in tani ay albaabbada u furayso sidii ay hay'aduhu dib uga howlgeli lahaayeen Baydhabo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya