Qoxootigan oo tiradoodu gaaraysay 70-qof ayaa ku xayirnaa doonida dusheeda muddo hal todobaad ah, waxaana markii dambe caawiyay markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay.
"Waxaa laga warhelay doonida iyadoo ku xayiran badda cas, waxaana loo diray doonni ay hay'adda UNHCR ka ijaartay Mukallah, taasoo dib ugu soo celisay doonida iyo dadkii ay wadday xeebaha Mukallah," ayuu yiri Xuseen Xaaji Axmed oo ah ku xigeenka Qunsulka Soomaaliya ee dalka Yemen oo u warrramayay VOA-da.
Xuseen Xaaji wuxuu sheegay inaysan jirin cid wax ku noqotay doonida, mar laga reebo in afar haween ah oo rakaabka ka mid ah ay lasoo darseen wareer ay ka qaadeen badda lana daweynayo.
Qunsul-xigeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in hay'adda qoxootiga dunida ee UNCHR ay caawinayso hadda wixii ka dambeeya dadka doonaya inay dib ugu laabtaan Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay caqabad lasoo gudboonaato Qoxooti Soomaali ah oo doonaya inay dib ugu laabtaan Soomaaliya, waxaase horraantii sannadkan ay sidan oo kale cilladi ku timid doonni ay la socdeen qoxooti doonayay inay dib ugu laabtaan Soomaaliya.
Dalka Yemen oo ay qoxooti fara badan oo Soomaali ah ku noolaayeen ayaa waxaa lasoo gudboonaaday xaalado bani'aadamnimo iyo kuwo ammaan tan iyo markii ay xiisadaha iyo dibadbaxyadu ka billowdeen dalkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya