4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2012
Ishaysiga IFISO oo maanta looga dhawaaqay Muqdisho iyo Mas'uuliyiin kala duwan oo ka hadlay Munaasabadii furitaanka

Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa looga dhawaaqay maanta isbahaysiga madaxa-bannaan ee turxaan-bixinta Soomaaliya, kaasoo uu guddoomiye u yahay Xasan Shire Sheekh.

Munaasabadda ku dhawaaqista xisbigan oo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin, waxgarad iyo dadweyne fara badan ayaa waxaa xubnihii ka hadlay oo dhan ay soo dhaweeyeen howlaha uu isbahaysiga IFISO qabanayo, kuwaasoo ay ka mid yihiin in la dhiirigeliyo aqoonyahanka doonaya inuu dalka madax ka noqdo lana laciifiyo dhagar-qabayaasha doonaya inay hoggaanka dalka qabtaan.

"IFISO ma ahan urur siyaasadeed qorshaheedu waa inay ku baraarujiso shacabka Soomaaliyeeed inaysan dib u soo dooran dhagar-qabayaashii dhibaatada muddada dheer socotay baday," ayuu Xasan Shire. "Waxaan doonaynaa inaan dhiiri-gelinno sidii aqoonyahanka doonaya inuu dalkiisa iyo dadkii wax u qabto uu hoggaanka dalka u qaban lahaa,"

Intii uu hadalkiisa socday ayuu wuxuu baaq u diray odayaasha ku shirsan Muqdisho isagoo ka dalbaday niaysan soo dooran dhagar-qabe doonaya inuu dalka iyo dadka kusii hayo dhibaatada, balse ay soo doortaan hoggaamiye doonaya horumar iyo in uu dalka wax u qabto.


"Odayaasha waxaan uga digayaa in la iibsado, waa inay diidaan lacagta lala ordayo ayna soo doortaan ruuxii dalka iyo dadka wax u qaban lahaa," ayuu yiri Xasan Shire oo intaas ku daray inuu dhiirigelinayo in shacabku ay ka hortagaan in mar kale ay hoggaanka u dhiibtaan dhagar-qabe.

Isagoo ka hadlayay qaybta ay haweenku ku leeyihiin dowladda ayuu wuxuu ku baaqay in haweenka qaybtooda la siiyo, isagoo sheegay in haweenku ay yihiin kuwii ay dadka Soomaaliyeed ka dhiman waayeen 21-kii sano ee colaaduhu jireen.

Sidoo kale, Xasan Shire wuxuu shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan IFISO sidii lagu heli lahaa dadka dambiyada ka galay Soomaaliya, isagoo xusay inaan loo baahnayn in Soomaaliya ay mar kale hoggaanka u qabtaan dad dambiyo galay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan in la baaro kuwii xadgudubyada dalka ka geystay, isagoo sheegay in tani ay muujinayso biseylka la gaaray.


Suxufiga Xasan Xundubey Jimcaale oo isaguna munaasabadda ka hadlay ayaa si kooban uga hadlay kaalinta ay haweenku ka qaadan karaan hoggaanka dalka, isagoo sheegay inay haweenka Soomaaliyeed mudan yihiin inay kaalin weyn ku yeeshaan hoggaanka dalka.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya