Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ayaa xalay dhac baahsan ka geystay xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo falkan uu imaanayo xilli madaxweynaha DKMG ah oo shalay booqday degmadaas uu amar ku bixiyay in laga hortago falalka dhaca ah ee ay geysanayaan ciidamada dowladda.
Saraakiil ka tirsan ciidamada DKMG ah ayaa waxay saxaafadda u sheegeen in dhaca uu ahaa mid baahsan ayna ciidamada dowladda ka geysteen xaafado dhinaca waqooyi kaga yeella degmada Afgooye.
"Dhacu wuxuu ahaa mid saf-ballaaran ah waxaana geystay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah," ayaa laga soo xigtay saraakil ka tirsan kuwa dowladda oo diiday inay magacyadooda sheegaan sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inay saxaafadda u gudbiyaan warkan.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay booqday degmada Afgooye ayaa wuxuu cabasho ku aaddan dhac ay ciidammadu ka geystaan degmadaas ka dhageystay waxgaradka, iyadoo guddoomiyaha degmada Afgooye uu ka dalbaday madaxweynaha in wax laga qabto dhibaatada shacabka loo geysanayo.
"Dadweynaha ku nool degmada Afgooye waxaan ka raalli-gelinaynaa dhibaatadii loo geystay, saraakiisha ciidamadana waxaan faraynaa inay arrintaas ka hortagaan," ayuu yiri Shariif Sheekh.
Abaanduulaha ciidamada xoogga ee DKMG ah, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhego-badan oo goobta ka hadlay shalay ayaa sheegay inay wax ka qabaayaan dhaca ay ciidamada dowladdu ka geysanayaan degmada Afgooye, isagoo si buuxda u sheegay in lagu wargeliyay in falalkaas haddii ay soo laabtaan uu madaxiisa u maqan yahay.
Degmada Afgooye ayaa waxay gacanta ugu jirtaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo Xarakada Al-shabaab kala wareegay dhammaadkii bishii May ee sannadkan, waxaana tani iyo xilligaas ka dhacayay falal ammaan-xumo oo qaarkood lagu dilay dad rayid ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya oo Xalay dhac baahsan ka geystay Degmada Afgooye
More News
- Dab khasaare maaliyadeed geystay oo gubey qaar ka mid ah beeraha tuulada Karin ee Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari
- Madaxda wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta kulan la qaatay maamulka Isbitaalka guud ee Garoowe
- Col. Farey oo maanta Gaalkacayo lagu aasay iyo dowladda Puntland oo dilkiisa ka tacsiyeysay
- Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Marshaale oo Muqdisho lagu dilay
- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo lagu wado inay Madaxda Soomaalida kula kulanto Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
- Ishaysiga IFISO oo maanta looga dhawaaqay Muqdisho iyo Mas'uuliyiin kala duwan oo ka hadlay Munaasabadii furitaanka
- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay in tuug badan oo shacabka khatar ku hayey ay xabsiga u taxaabeen
- Murashaxiin ku shiray Muqdisho oo sheegay inay Mideynayaan Awooddooda si ay uga qaybgalaan doorashada Madaxnimo ee dalka
- Kulan dhexmaray Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Ganacsato Dhawaan Maxjar weyn ka furay Magaalada Muqdisho
- Qarax khasaare geystay oo Ciidamada DKMG ah lagu weeraray iyo shil ay ku dhinteen dad rayid ah oo Muqdisho ka dhacay
- Hay'adda CRD oo wadda Barnaamij loogu magac daray Baraarug oo Dhallinyarada Soomaaliyeed lagu Maalgelinayo
- Dhagaysiga dacwad ka dhan ah Guddiga Diiwaan-gelinta Somaliland oo ka furantay Magaalada Hargeysa
- Dilal Qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay iyo Degmada Gaalkacyo