4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2012
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay in tuug badan oo shacabka khatar ku hayey ay xabsiga u taxaabeen
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Taliyaha Booliska Somaliland Jen: Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in hawlgal balaaran oo ciidanka Boolisku ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa ay kusoo qabqabteen illaa kontomeeyo tuug kuwaasoo maalmihii u dambeeyey falal tuuganimo ah kula kacayey dadweynaha.

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalkan lagu qabqabanayey Tuugta ay ahayd mid lagu xoojinayey amaanka guud ahaan dalka iyo dadweynaha, kuwaas oo maalmahan dhibaato weyn ku hayey dadweynaha caasimadda ku dhaqan.

Taliyaha booliska oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiskiisa ayaa sheegay inay dadweynuhu aad uga cawdeen tuug dhibaato ku haysa dadka, waxaanu xusay in dhamaan gobolada iyo degmooyinka hawl-galo sidan oo kale ahi ka socdaan, isla markaana lagu bartilmaamaysanayey  tuugtaas dadka dhibayey, amnigana khalkhalgalinaya, waxaanu sheegay in  34 ka mid ah tuugtaas maxkamadda la horgeeyey loona gudbiyey xabsiyadda dalka.

Dadweynaha Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey Tuug badan oo xoog dadka wax kaga qaadayey ku soo bateen magaaladda Hargeysa, kuwaas oo shacabku cabasho weyn usoo jeediyey in ciidanka boolisku wax ka qabtaan, waxaanay talaabadani tahay mid wax lagaga qabanayo tuugtan bisha Ramadaan khatarta ku haya dadweynaha.

Dhinaca kale, Taliyaha Boolisku waxa uu gaadiidleyda, gaar ahaan Basaska Qaadda Ardayda usoo jeediyey digniin ah in marka ay ardayda iskuuladda tagay sidaan aanay xawaare sare ku socon, kuwaas oo marar badan halis galiyey arday aad u yar yar oo Basasku qaadaan, waxaanu sheegay in Baskii xawaare sare ku socda la qaban doono, sharcigana la hor geeni doonno.

Sidoo kale, waxa shalay 365 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska oo muddo afar bilood baranayey shuruucda iyo tobabarka ciidanka loogu soo xidhay xarunta tobabarka ciidanka booliska ee Mandheera, waxaana xafladaasi ka qaybgalay, madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylci, Taliyaha ciidanka booliska iyo dhawr wasiir.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa bogaadiyey ciidankan tobabarkan dhamaystay, waxaanu ku booriyey inay dadkooda iyo dalkoodda u shaqeeyaan, iskana ilaaliyaan inay wax laaluush ah qaataan, cadaaladdana ilaaliyaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland