Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Siddeed murashax oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa shir ay ku yeesheen Muqdisho ka sheegay inay mideynayaan awooddooda si ay uga qaybgalaan doorashada madaxnimo ee dalka Soomaaliya.
Musharaxiintan oo ay ka mid ahaayeen, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) iyo Xasan Sheekh Maxamed, iyagoo sheegay inuu qorshahoodu yahay inay mid iyaga ka mid ah u doortaan inuu doorashada uga qaybgalo maadaama ay dhinaca fikirka ka mideysan yihiin.
"Waxaanu ogaannay in dadka jagada sare u tartamaya ee mucaaradka haddii aysan isku tegin oo ay kala firirsan yihiin inay fursad u siinayaan dowladda markaas jirta in ay soo laabato. Sidaa daraadeed waxaan toddobaadyada soo socda ku dhawaaqi doonaa qorshihii aan uga qaybgeli lahayn doorashada si mid inaga mid ah uu ugu guuleysto doorashada," ayuu yiri Prof. Axmed Ismaaciil oo la hadlay saxaafadda.
Sidoo kale, murashaxiintan ayaa waxay soo dhaweeyeen warbixintii Qaramada Midoobay ee ku saabsanayd lunsiga hatida Qaran ee lagu eedeeyay madaxda DKMG ah ee Soomaaliya.
"Waxaan soo dhaweynaynaa warbixinta, waxaana golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uug baaqaynaa inuu mudnaanta koowaad siiyo warbixintaas iyo talooyinkii lasoo jeediyay si loo helo xalka siyaasadeed ee Soomaaliya looga hortago halis ku timaadda amniga Soomaaliya," ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo isaguna la hadlay warbaahinta.
Murashaxiinta ayaa waxay walaac xooggan muujiyeen faragelin ay sheegeen inay madaxda dowladda KMG ah ku hayaan xulista xildhibaannada dalk, iyagoo xusay in tani ay sabab u noqon karto inuu burbur ku yimaado qorshaha Soomaaliya loogu sameynayo dowlad joogto ah.
"Haddii madaxda dowladda ay ku sii socdaan musuq-maasuqa ay ku hayaan xulidda xildhibaanka waxaan shaki ku jirin inay caqabad ku noqon karto howsha la doonayo in Soomaaliya ay uga baxdo xilliga KMG ah. Waxaana caalamka iyo Soomaalidaba ka codsanaynaa inay arrintaas tallaabo cad ka qaataan, waayo arrintan rajo beel ayay gelinaysaa nidaamka dowlad-dhisidda Soomaaliya waana arrin xanuun badan," ayuu yiri Xasn Sheekh.
Ugu dambeyn, murashaxiintan waxay soo jeediyeen in guud looga wada qayb-qaato hanaanka looga baxayo xilliga KMG ah, waxayna ku baaqeen in laga digtoonaado in musuqmaasuq lagu sameeyo doorashooyinka dalka ka dhacaya.
Baaq ay Muqdisho kasoo saareen murashaxiintan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda la ansixiyo dastuurka qabyada ah ee dalka iyo in lasoo xulo xildhibaannadii bisha Ogoosto ee soo socota dooran lahaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Murashaxiin ku shiray Muqdisho oo sheegay inay Mideynayaan Awooddooda si ay uga qaybgalaan doorashada Madaxnimo ee dalka
More News
- Dab khasaare maaliyadeed geystay oo gubey qaar ka mid ah beeraha tuulada Karin ee Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari
- Madaxda wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta kulan la qaatay maamulka Isbitaalka guud ee Garoowe
- Col. Farey oo maanta Gaalkacayo lagu aasay iyo dowladda Puntland oo dilkiisa ka tacsiyeysay
- Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Marshaale oo Muqdisho lagu dilay
- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo lagu wado inay Madaxda Soomaalida kula kulanto Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
- Ishaysiga IFISO oo maanta looga dhawaaqay Muqdisho iyo Mas'uuliyiin kala duwan oo ka hadlay Munaasabadii furitaanka
- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay in tuug badan oo shacabka khatar ku hayey ay xabsiga u taxaabeen
- Kulan dhexmaray Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Ganacsato Dhawaan Maxjar weyn ka furay Magaalada Muqdisho
- Qarax khasaare geystay oo Ciidamada DKMG ah lagu weeraray iyo shil ay ku dhinteen dad rayid ah oo Muqdisho ka dhacay
- Hay'adda CRD oo wadda Barnaamij loogu magac daray Baraarug oo Dhallinyarada Soomaaliyeed lagu Maalgelinayo
- Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya oo Xalay dhac baahsan ka geystay Degmada Afgooye
- Dhagaysiga dacwad ka dhan ah Guddiga Diiwaan-gelinta Somaliland oo ka furantay Magaalada Hargeysa
- Dilal Qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay iyo Degmada Gaalkacyo