4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2012
Qarax khasaare geystay oo Ciidamada DKMG ah lagu weeraray iyo shil ay ku dhinteen dad rayid ah oo Muqdisho ka dhacay

Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay shan kalena waxay k dhaawacmeen qarax ciidammo ka tirsan DKMG ah lagula eegay degmada Yaaqshiid iyo shil gaari oo ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ka dhacay xaafadda Kooka-koollaa ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa lagu weeraray gaari ay wateen ciidamada DKMG ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan kuwa ciidamada, waxaana la sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamadii iyo saraakiishiii gaarigaas saarnaa.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warfidiyeenka in qaraxa uu burbur gaarsiiyay mid ka mid ah gaadiidkii ay ciidamadu wateen, balse khasaaraha nafeed ee ka dhashay ay ahayd mid ku siman dad shacab ah oo gaari ka raacayay halkaas.

"Qof ayaa dhintay, saddex kalena isbitaal ayaa loo qaaday kaddib markii uu qaraxu asiibay xilli ay gaadiidka dadweynaha raacayeen," ayuu yiri goobjooge ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay baaritaanno ka sameeyaan xaafadda ayna ku qabqabteen dhallinyaro badan, iyadoo aysan jirin war kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku saabsan qaraxan iyo weliba cid sheegatay.

Dhanka kale, shil gaari oo ka dhacay degmada Wadajir ayaa dilay haweeney iyo wiil dhallinyaro kaddib markii uu jiiray gaari weyn oo ahaa nooca dhagaxda daabula, iyadoo sidoo kale uu ku dhaawacmay darawalkii gaariga weyn iyo qof kale oo rayid ah.

Goobjoogayaal ay HOL la hadashay ayaa sheegay in shilka uu ahaa mid aad u fool xun uuna ku burburay gaari yar oo kuwa raaxada ah, waxaana sidoo kale uu gaariga weyn jiiray baabuurta yaryar ee rakaabka qaada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya