Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa si rasmi ah u furantay shalay oo Isniin ahayd dacwad ay afar urur siyaasadeed oo qiimeyntii ururada ku hadhay ku soo oogeen guddidda Diiwaangelinta ururadda yo Axsaabta qaranka.
Afartan urur siyaasadeed ayaa ka mid ahaa 15 urur siyaasadeed oo doonayey inay ka qaybgalaan doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland oo la filayo inay dhowaan ka dhacaan dalka, balse guddidda DIiwaangelinta ururadda oo qiimeyn iyo kala reebis ku samaynayey ururadda ayaa sheegay in sagaal urur oo afartan urur ka mid yihiin ku hadheen qiimeyntaasi lagu samaynayey ururadda siyaasadda, isla markaana aanay ka qaybgali Karin doorashooyinka soo socda, halka lix urur ku soo baxeen qiimeyntaasi.
Haseyeeshee, afartan urur ayaa ku qanci waayey qiimeynta la sheegay waxayna dacwad ka dhan ah guddidaasi ka furteen maxkamadda sare, iyagoo sheegay inay marayaan wadadii sharcigu u jideeyey in cidii qanci waydaa marto oo ah garsoorka dalka.
Dhagaysigan Dcwada ka dhanka ah guddidda waxay maanta ku bilaabnantay ururka UDHIS doodiisa iyo cadaalad darada uu tirsanayo iyo wailba qodobadda sharciga ah uu sheegay in la jabiyey, halka ay guddiduna uu u joogay looyar ka difaacayey eedaha loo soo jeediyey.
Dhagaysan ayaa todobnaadkan socon doono oo urur waliba waxa uu ku eedeynayo guddidan soo bandhigay, waxaana ugu dambayn go’aan soo saari doono maxkamadda sare ee Somaliland.
Afartan urur ee gal dacwadeedka ka furtay maxkamadda ayaa kala ah Ururka UDHIS, NDB, jamhuuriga, iyo Horyaal, kuwaas oo si degan u dhagaysanayey dacwadda, waxaanay sheegeen inay marayaan jidkii sharcigu u jideeyey, wallow qaarkood ka caga jiidayeen inay maxkamaddu soo saari doonto go’aan raali galiya, rajjoo badana aanay ka filayn, balse qaarkood sheegay inay ku qanci doonaan haddii aan maxkamadda la faro galin.
Maxkamadda sare ayaa dacwado siyaasadeed oo ay xisbiyo isku haysteen hore u kala garqaaday, waxaanay qolo waliba ku dhaqantay go’aankii ka soo baxay maxkamadda.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Dhagaysiga dacwad ka dhan ah Guddiga Diiwaan-gelinta Somaliland oo ka furantay Magaalada Hargeysa
More News
- Dab khasaare maaliyadeed geystay oo gubey qaar ka mid ah beeraha tuulada Karin ee Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari
- Madaxda wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta kulan la qaatay maamulka Isbitaalka guud ee Garoowe
- Col. Farey oo maanta Gaalkacayo lagu aasay iyo dowladda Puntland oo dilkiisa ka tacsiyeysay
- Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Marshaale oo Muqdisho lagu dilay
- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo lagu wado inay Madaxda Soomaalida kula kulanto Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
- Ishaysiga IFISO oo maanta looga dhawaaqay Muqdisho iyo Mas'uuliyiin kala duwan oo ka hadlay Munaasabadii furitaanka
- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay in tuug badan oo shacabka khatar ku hayey ay xabsiga u taxaabeen
- Murashaxiin ku shiray Muqdisho oo sheegay inay Mideynayaan Awooddooda si ay uga qaybgalaan doorashada Madaxnimo ee dalka
- Kulan dhexmaray Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Ganacsato Dhawaan Maxjar weyn ka furay Magaalada Muqdisho
- Qarax khasaare geystay oo Ciidamada DKMG ah lagu weeraray iyo shil ay ku dhinteen dad rayid ah oo Muqdisho ka dhacay
- Hay'adda CRD oo wadda Barnaamij loogu magac daray Baraarug oo Dhallinyarada Soomaaliyeed lagu Maalgelinayo
- Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya oo Xalay dhac baahsan ka geystay Degmada Afgooye
- Dilal Qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay iyo Degmada Gaalkacyo