Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Sweden


Jimco, January 27, 2012(HOL): Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyadoo caawana xaflad casho ah oo ay dad badan ka qeybgaleen loogu sameeyay Magaalada Stockholm.

Ra’iisal  Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa wuxuu magaalada Stockholm ku tegay martiqaad uu ka helay Midowga Ururrada Horumarinta Nabadda Soomaaliya oo gartay in maamuus heer sare ah loo sameeyay Md. Farmaajo oo intii uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa Soomaaliya wax weyn u qabtay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Xaflad casho ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa caawa loo sameeyay Ra’iisal Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo xafladda ay ka soo qeybgaleen dad aad u badan oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada  ku dhaqan Magaalada Stockholm, dad ka yimid gobollada kale ee dalka Sweden iyo dad kale oo iyana ka yimid dalalka Finland, Denmark, Norway iyo Talyaaniga.

Xafladda cashada kaddib ayaa waxaa hadallo jeediyay qaar ka mid ah dadkii xafladda ka soo qeybgalay oo lagu sharfay in ay ka hadlaan munaasabadda soo dhaweynta Ra’iisal Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.


Dhammaan dadkii hadlay waxay isaga mid ahaayeen ammaan ay u jeediyeen Ra’iisal Wasaarihii hore, iyagoo sheegay in uusan Soomaaliya soo marin Ra’iisal Wasaare la mid ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Soomaaliya.

Dadka hadlay ayaa waxay isugu jireen qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna qeyb kasta hadalkeeda ku cabirtay hadba magaca ay ku hadleysay, haddii ay ahaan lahayd bahda waxbarashada, ganacsatada, Aqoonyahannada, siyaasiyiinta, waxgaradka, suugaanyahannada, haweenka iyo dhalinyarada.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaayo oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay, isla markaana uu ka mahadcelinayo maamuuska loo sameeyay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in wax kasta oo lagu ammaanayo ay yihiin wax uusan kaligiis qaban, hayeeshee ay wax wada qabteen team-kii xukuumaddiisa oo loo bixiyay Team-kii tayo oo uu xusay in uu kala socdo Abuukar Daahir (Abuukar Baalle) oo mareykanka kala yimid iyo Cali Yare oo ka mid ahaa raggii ay soo wada shaqeeyeen.


Sidoo kale wuxuu Md. Farmaajo kula dardaarmay dadkii uu la hadlayay in ay midnimadooda adkeeyaan, isla markaana ku dadaalaan sidii ay isu caawin lahaayeen, dadkoodana ay u caawin lahaayeen. Wuxuu ka taariikheeyay waxyaabihii uu u soo joogay ee uu la kulmay intii uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ahaa, wuxuuna tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer dhibaato ku soo jireen, dalkana uu burburay hayeeshee ay dadka weli nool yihiin rajana ay qabaan.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wuxuu maanta si guud ula hadli doonaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden iyo kuwo kale oo ka kala yimid dalalka Sweden la deriska ah.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]