Mareykanka oo uga digay Xukuumadda Kenya inay dib u celiso Qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool

Jimco, Jannaayo 27, 2012 (HOL) − Dowladda Washington ayaa uga digtay Kenya inay qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool ay dib ugu celiso Soomaaliya, inta laga helo goob ammaan ah oo ay ku noolaan karaan qoxootigan.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay dhawaan inay sababo ammaan awgood dib ugu celinayso Soomaalida dalkooda, iyagoo sheegay in ammaanka dalkooda uu khatar ku jiro, balse ma sheegin xilliga rasmi ahaan ay dib u celinayso.

"Waxaan kula talinayn Kenya inay sii waddo caawinta qoxootiga Soomaalid ah ee dalkeeda ku nool, inta laga helayo goob ammaan ah oo dib loogu celin karo," ayuu yiri David Robinson, oo ah kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha qoxootiga.

Hadalka Mareykanka ayaa imaanaya kaddib laba casho markii xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda ammaanka Kenya, Francis Kimemia uu sheegay in qorshahoodu yahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu celiyaan qoxootiga Soomaalida dalkooda.

"Xukuumaddu waxay go'aansatay inay dib ugu celiso Qoxootiga Soomaalida ah ee ku sugan halkan (Kenya) inay dib ugu celiso dalkooda," ayuu yiri Mr Kimemia isagoo ku sheegay hadalkiisa inay kala tashanayaan arrintan hay'adda qoxootiga dunida ee UNHCR iyo beesha caalamka.

In ku dhow nus-malyuun oo Soomaali ah ayaa ku jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kuwaasoo ka cararay dagaallada iyo abaaraha Soomaaliya ka jira, taasoo ku dhow xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

"Waxaa cad in hadafka beesha caalamka uu yahay in la helo qorshe cad oo dib loogu celin lahaa qoxootiga Soomaalida dalkooda, kaddib markii ammaanka la sugo," ayuu mar kale yiri Mr Robinson.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xeryaha qoxootiga ay ka jiraan ammaandarro xooggan oo saameyn ku yeelatay deegaanada xuduudda u dhow, tan iyo markii ay billowdeen howgalka ay gudaha Soomaaliya kula dagaalamayso Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya