Jimce, January 27, 2012(HOL) Nairobi, Kenya - War saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, isla markaasna uu ansixiyey Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa lagu soo bandhigay isku shaandheyn lagu sameeyey Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir ku xigeennada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.
Waxaana isku shaandhaynta la sameeyay ay u qornayd sidatan:
1- Mudane C/kariim Cabdi Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Madaxweyna.
2- Mudane Cali Nuur Ducaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul wasaaraha.
3- Mudane Cabdi Cali Xuseen waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.
4- Mudane Ibraahiim Suleeymaan Xaaji Nuur, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga.
5- Mudane Axmed Xasan Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda kalluumeysiga qeyraadka Badda iyo Bay’adda.
6- Mudane Axmed C/llaahi Xuseen {Fanax] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.
7- Mudane Max’ed Cumar Max’ud, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka.
8- Mudane Xirsi Aadan Rooble waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda beeraha iyo xanaadada Xoolaha.
9- Mudane C/qaadir Maxamed Barre, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sarre.
10- Mudane Axmed Maxamuud Axmed, {Yaaqshiid}, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xiriirka Baarlamanka iyo xukuumadda.
11- Marwo Luul Cabdi Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska.
12- Mudane C/llaahi Sheekh Cali [Qaloocoow] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda shaqada Dhalinyarada iyo isboortiga.
13- Mudane Xasan Maxamuud Jimcaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta.
14- Mudane Macalin Cali Aadan Cabdi waxaa loo magacaalay wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Tamarta.
15- Mudane C/kariim Xaaji Cabdi [Buux] waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta.
16- Mudane C/nuur Sheekh Ibraahin Rooble waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada.
17- Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.
18- Marwo Muna Ibraahim Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska.
Isku shaandhayntan lagu sameeyay qaar kamid ah golaha wasiirrada ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee la sameeyo tan iyo markii uu xilka qabtay Ra'iisul wasaare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Axmed Cabdisamad , Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya oo isku shaandhayn lagu sameeyay
More News
- Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Sweden
- Burcadbadeed Soomaaliyeed oo afduubay Doonyo kalluumeysi oo Yemen laga leeyahay iyo Kalluumeysatadii watay
- Shirka Soomaalida ee loogu qabanayo London oo lagu casuumay Puntland, Somaliland, Galmudug iyo Ahlusunna
- Turkiga oo muujiyay daacadnimadiisa ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo isku filan
- Dagaal khasaare badan geystay oo Deegaanka Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyo beeleed
- AFHAYEENKA AL-SHABAAB: "Ciidamada Kenya waxay soo dhaafi la'yihiin goobihii ay 100 maalmood ka hor yimaadeen"
- Mareykanka oo uga digay Xukuumadda Kenya inay dib u celiso Qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool