Turkiga oo muujiyay daacadnimadiisa ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo isku filan

Jimco, Jannaayo 27, 2012 (HOL) − Dowladda Turkiga oo ka mid ah dowladaha u soo gurmaday Soomaalida kaddib abaarihii ku dhuftay Soomaaliya ayaa u muuqata inay tahay dowladda keliya ee muujisay inay wax ka qabato Soomaaliya, sida gargaarka bani'aadamnimo iyo la dagaalanka burcadbadeedda.

Baarlamaanka Turkiga ayaa isku raacay Arbacadii lasoo dhaafay inay kasii mid noqdaan howlgallada NATO ee lagula dagaalamayo burcadbadeedda Soomaalida, taasoo caddeynaysa in Turkiga ay dhab ka tahay wax ka qabashada xalaadda Soomaaliya.

Shirka lagu wado in lagu qabto London ayaa waxaa dowladdu Turkigu loo qaatay in wax laga weydiiyo xaaladda Soomaaliya iyo wax ka qabashada gargaarka aadanaha iyo burcadbadeedda.

"Faragelinta Turkigu uu ku sameeyay Soomaaliya waxaa lagu badbaadiyay dad badan, balse howlgallo badan oo caalamku ayaa fashilmay kaddib markii ay ka gaari waayeen hadafkii ay doonayeen," ayaa lagu yiri warbixin ku saabsan howlaha ay Turkigu ka wadaan Soomaaliya.

Hay'ado badan oo Turki ah ayaa waxay ku sugan yihiin Muqdisho si ay wax uga qabtaan waxyaabo aan horay wax looga qaban sida, waxbarashada iyo gargaar dhameystiran oo dadka loo fidinayo si ay noloshoodu caadi ugu soo laabato.

Soomaaliya ayaa waxaa muddo 20-sano ka jiray dagaallo sokeeye oo sababay inay burburaan adeegyadii bulshada, iyadoo dowladda Turkiga ay waddo mashaariic ay ku dayactirayso, waddooyinka, iskuullada, garoonka diyaaradaha iyo goobo kale oo muhiim ah sida isbitaallada.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif oo dhowr jeer ka hadlay gargaarka ay Turkigu u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid aad uga duwan kuwa ay caalamku ku taageereen Soomaaliya, isagoo ku manceeyay taas walaalnimada iyo islaamnimada ka dhexeysa Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo wehliyaan xaaskiisa, caruur uu dhalay iyo xubno ka tisran xukuumaddiisa ayaa waxay tageen Muqdisho Ogoostadii lasoo dhaafay, waxayna booqdeen kaamam ay ku jireen dad barakacayaal ah oo kasoo cararay abaarihii ku dhuftay gobolladii ay ku noolaayeen.

"Dhibaatada ka jirta Soomaaliya ma ahan mid laga sheekeyn karo, qofkii doonaya inuu wax badan ka ogaado waa inuu tago, waayo waxaan arkay ma ahan wax aan ak sheekeyn karo," ayuu ra'iisul wasaaraha Turkiga sheegay markii uu ku laabtay dalkiisa, iyadoo hadalladan ay u muuqdeen kuwo uu indha caalamka ugu soo jeedinayo Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed oo muujinaya tixgelinta ay u hayaan Turkiga ayaa waxay caruur u dhashay u bixiyeen magacyada Erdogan, Turki iyo Istanbuul iyadoo ilmaha loo bixiyay ay dhasheen kaddib booqashadii ra'iisul wasaaraha Turkiga uu Muqdisho ku tagay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya