Jimco, Jannaayo 27, 2012 (HOL) − Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa waxay afduub ku qabsadeen saddex doomood oo ay wateen kalluumeysato Yemeniyiin ah inta lagu jiro bishan Jannaayo oo keliya, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dalka Yemen.
Doomahan ayaa waxaa laga afduubay badda cas, waxaana tii ugu dambeysay la afduubay muddo ka yar 24-saacadood, iyadoo aan la ogeyn halka ay kooxihii afduubay la aadeen.
Mas'uuliyiinta dalka Yemen ayaa sheegay in 38 ruux oo kalluumeysato Yemeniyiin ah ay la socdeen doomahaas, waxaana la afduubay sida ay mas'uuliyiintu sheegeen xilli ay ku jireen howlo jillaabasho ah.
Gacanka Cadan oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen ayaa waxaa ku xooggan kooxaha burcadbadeedda ah ee afduubka u geysta maraakiibta ku safra, waxaana dhowr jeer oo hore ay afduubyo u geysteen doomo ay wateen kalluumeysato u dhashay dalka Yemen.
Dalka Yemen ayaa waxaa ku xirxiran in ka badan 30-ruux oo burcadbadeed Soomaaliyeed ah, kuwaasoo lagu qabtay howlgallo ay ciidamada badda dalka Yemen ka sameeyeen xeebaha ku dhow dalkooda.
Ciidamada badda Yemen ayaa waxay sheegeen inay ku gudo-jiraan howlgallo ay ku raadinayaan kooxihii afduubay doonyaha ay wateen kalluumeysatada dalkooda u dhashay, iyadoo burcadbadeeddu ay u adeegsadaan doomaha kalluumeysi inay meelo fog-fog kaga soo qafaashaan maraakiibta ganacsi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya