AFHAYEENKA AL-SHABAAB: "Ciidamada Kenya waxay soo dhaafi la'yihiin goobihii ay 100 maalmood ka hor yimaadeen"

Jimco, Jannaayo 27, 2012 (HOL) − Afhayeenka xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlayay idaacad ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin weli goobihii ay soo gaareen 100 maalmood ka hor.

Sheekh Cali Dheere, ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii madaxa howlgallada ee ciidamada Kenya, Col. Cyrus Oguna uu sheegay in howlgalkooda Soomaaliya ay ka gaareen natiijooyin wanaagsan kaddib 100 maalmood, wuxuuna xusay inay dhowr deegaan ku qabsadeen, sidoo kalena ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-shabaab.

"Ciidamada Kenya waxay ku sugan yihiin goobihii ay 100 maalmood ka hor soo gaareen, halkaas ayaana maalin walba iyo xilli walba lagu weeraraa," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay isaga gudbi karin deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo xusay inay maalin walba la kulmaan weerarro sababay inay xitaa socod isugu tallaabi waayaan.

Sheekh Cali Dheere, wuxuu ka sheegay deegaannaday ciidamada Kenya ku sugan yihiin Faafax-dhuun iyo Ceel-cadde, Taabto iyo Qooqaani, kuwaasoo ku kala yaalla Jubbada Hoose iyo Gedo.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baladweyne, isagoo xusay inay khasaarooyin badan kala kulmeen weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta ay Balaweyne ka dagan yihiin.

Ugu dambeyn, wuxuu shacabka ugu baaqay inay qayb ka qaataan dagaallada lagula jiro ciidamada DKMG ah, AMSIOM, Kenya iyo Itoobiya, isagoo xusay in qof walba looga baahan yahay inuu soo qaato hubkiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya