Jimco, Jannaayo 27, 2012 (HOL) − Dagaal culus ayaa shalay galab ka dhacay Tuulladda Sool-joogto oo aan wax badan ka fogayn magaaladda Buuhoodle, dagaalkaasoo u dhexeeyey ciidamadda Milatariga Somaliland iyo Ciidamo beeleedka deegaanka Buuhoodle, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaare badan.
Dagaalkan ayaa ilaa hadda warar rasmi ah aan laga hayn, haseyeeshee, warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha uu geystay dagaalkaasi, waxaana la sheegaya in labadda dhinacba ay khasaare laxaadlihi ka soo gaadhay dagaalkaasi.
Wararka aanu ka helayno Aagaasi ayaa sheegaya in dagaalkani dhacay ka dib markii wefti balaadhan oo ka yimid magaaladda Taleex ee lagu soo doortay maamulka Khaatumo State ay soo gaadheen degmadda Buuhoodle, taasina ay keentay in labadda dhinac mudaafiic hawadda isku waydaarsadaan, ka dibna uu sidaas ku bilaabmay, waxaanu si iskii ah u joogsaday xalay makhribkii markii ay cadceeddu dhacday, haseyeeshee uu mar kasta dagaalku iman karo oo ciidamadii halkaasi ku dagaalamay is hor fadhiyaan.
Wararka aanu ka helayno khasaaraha dagaalkaasi ayaa sheegaya in ciidamadda Somaliland ilaa shan askari ka dhimatay, halka ilaa Tobaneeye ku dhaawacmay, inkasto aan war rasmi ah laga helin, halka ciidamadda Buuhoodlena aan si rasmi ah aan loo ogaan khasaaraha dhabta ah ee jira, inkastoo la sheegayo ilaa tobaneeye qof oo dhaawac ah in loo qaaday cisbitaalka Buuhoodle, iyadoo dhimashaduna aan wali la xaqiijin.
Telefoonadda deegaanadaasi ayaa hawadda ka baxay dagaalka awgeed, taasina waxay keentay in la ogaado siday wax u dhaceen.
Wararku waxay sheegayaan in gaadhi saad u siday ciidamadda Somaliland ay ciidamada deegaanka Buuhoodle dhexda u galeen, halkaasna ay ku qabsadeen. Halka ciidamadda Somalilandna sheegeen in maxaabiis ay ka soo qabteen dagaalkaasi, isla markaana loo soo gudbiyey dhinaca magaalada Burco.
Si kastaba ha ahaatee, khadadka isgaadhsiinta oo xun ayaan si dhaba loo ogaan karin khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay, iyadoo wali ciidamaddu is horfadhiyaan, goorkastana la filan karo dagaal.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland