Dableyda weerarka geysatay oo la sheegay inay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud ayaa waxay weerarkooda la beegsadeen masjid ku yaalla deegaannadaas iyagoo ku dilay gudaha masjidka imaamkii, kaddibna toogtay dadkii masjidka kasoo yaacay.
"Weerarkan wuxuu ahaa mid salka ku hayay aano beeleed, waxaana dadka dhintay ay ahaayeen rag, dadka dhaawacmayna waxaa ku jirtay haweeney," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.
Goobjoogayala kale oo ku sugan deegaanka Raamu oo ah halka uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in dadka deegaanku ay cabsi weyn ku abuurtay arrintan, iyadoo isla maanta la aasay dadkii lagu dilay dilkii xalay.
Mas'uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay goobta ka baxsadeen, iyagoo sheegay in deegaanka ay ku sugan yihiin mas'uuliyiin ka socda degmada Mandheera oo deegaankan uu ka tirsan yahay.
Xaaladda ayaa maanta daggan iyadoo ciidammo badan oo Kenyan ah la geeyay deegaanka, si looga hortago inay falal kale oo noocaas ahi ay mar kale ka dhacaan, mana ahan markii ugu horreysay oo dalka Kenya ay dilal beeleedyo noocan oo kale ah ka dhacaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dabley hubeysan oo deegaan ku dhow Soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ku dilay dad shacab ah oo uu ku jiray Imaam Masjid
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xalay deegaan ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
More News
- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia oo Shaaciyay inuu u tartamayo xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya
- Madaxweyne Shariif iyo Danjire Mahiga oo ka hadlay Dhammeystirka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya
- Madaxweynaha Puntland: "Zenawi wuxuu ahaa Hoggaamiye weyn oo dalkiisa wax ka bedelay iyo halyey Afrika ka geeriyooday"
- Ciidamada AMISOM oo la wareegay Sugidda Ammaanka Waddada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka Tacsiyeeyay Geerida Ra’iisal Wasaarihii dalka Itoobiya Malas Zanawi
- Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Xerada Qoxootiga IFO ku dilay haweeney ka mid ahayd Guddiga Ammaanka Xeradaas
- Wakhtiga kala guurka ee Itoobiya oo keentay inuu yaraado isku socodkii Somaliland iyo Itoobiya iyo Amniga Xuduudda oo la adkeeyey
- Maydka Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya oo la geeyay Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya halkaasoo lagu aasi doono (SAWIRRO)
- Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dad shacab ah ku toogtay Isgoyska Sanca iyo Mayd lagu arkay Suuqa Xoolaha
- Guddiga Doorashada Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya habka iyo Shuruudaha Doorashada
- Xildhibaan C/risaaq Juurille: "Waxaan ahay musharax u taagan Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya"