Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dawladda Itoobiya ayaa ciidamo badan keentay xuduudda ay la wadaagto Somaliland, kaas isku socodkii labadda dhinac uu hakad ku yimid, isla markaana dadka ka shakisan yihiin isbedelka ka dhacay Itoobiya.
Magaalo xuduudeedka Tog-wajaale ayaa la sheegayaa in la adkeeyey isku socodkii labada dhinac, kaas oo ay yaraadeen dadkii u gudbayey Itoobiya tan iyo ilaa shalay, iyadoo awal hore isku socodka Somaliland iyo Itoobiya camirnaan jirtay, kaas oo ilaa in kabadan sondon Bas ay ka bixi jireen maalintii Togwajaale, intaa in ka badana ay soo gali jireen.
Haseyeeshee wararka naga soo gaadhay Tog-wajaale ayaa sheegay in ciidamo fadaraal ah la keenay xuduudda, isla markaana isku gudubtii labadda dhinac uu hakad ku yimid ilaa shalay, marka laga reebo gaadiidka Qaadka keena oo iyaga loo ogol yahay inay socdaan.
Maxamuud Aadan oo ka mid ah dadka degan magaalada Wajaale oo khadka Telefoonka iigu waramayey isagoo jooga Wajaale ayaa HOL u sheegay in la xidhay xuduudda labadda dal, kaas oo dadweyne badan ku kala xanibmay Wajaale iyo Jig-jiga, inkastoo ay jireen buu yidhi dad si qarsoodi ah ugu gudbayey Itoobiya, wallow imika la furay xadka.
Haseyeeshee, sarkaal ka tirsan laanta socdaalka ee Wajaale oo khadka telefoonka aan kula xidhiidhay isagoo jooga Wajaale, ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin isku socodkii dadweynaha, isla markaana dadweynuhu si caadi ah ugu gudbayaan Itoobiya, waxa kale oo uu sheegay in ciidamada faderaalka ah aan la keenin magaaladda, balse ay ku eegtahay uun Jig-jiga.
Si kastaba ah ahaatee, dadweynaha u kala safra Somaliland iyo Itoobiya ayaa isku socodkii yareeyey, iyagoo ka cabsi qaba kala guurka iyo isbedelka ka dhacay Itoobiya, wallow wararku sheegayaan inay yar tahay dadka gudbaya oo aanay sidoodii hore ahayn, balse aad loo adkeeyey xaga amniga iyo sharciga ay sitaan dadka u gudbaya dhinaca Itoobiya.
Magaaladda Wajaale ayaa ah magaalo xuduudeed ay ka wada taliyaan Somaliland iyo Itoobiya, isla markana waa magaalo ganacsi ay isku xidhan yihiin ganacsatada Itoobiya, maadaama ganacsiga Itoobiya yahay mid xidh xidhan ayaa keentay inay Magaaladu noqoto suuq weyn oo u furan Itoobiya.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Wakhtiga kala guurka ee Itoobiya oo keentay inuu yaraado isku socodkii Somaliland iyo Itoobiya iyo Amniga Xuduudda oo la adkeeyey
More News
- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia oo Shaaciyay inuu u tartamayo xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya
- Madaxweyne Shariif iyo Danjire Mahiga oo ka hadlay Dhammeystirka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya
- Dabley hubeysan oo deegaan ku dhow Soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ku dilay dad shacab ah oo uu ku jiray Imaam Masjid
- Madaxweynaha Puntland: "Zenawi wuxuu ahaa Hoggaamiye weyn oo dalkiisa wax ka bedelay iyo halyey Afrika ka geeriyooday"
- Ciidamada AMISOM oo la wareegay Sugidda Ammaanka Waddada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka Tacsiyeeyay Geerida Ra’iisal Wasaarihii dalka Itoobiya Malas Zanawi
- Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Xerada Qoxootiga IFO ku dilay haweeney ka mid ahayd Guddiga Ammaanka Xeradaas
- Maydka Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya oo la geeyay Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya halkaasoo lagu aasi doono (SAWIRRO)
- Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dad shacab ah ku toogtay Isgoyska Sanca iyo Mayd lagu arkay Suuqa Xoolaha
- Guddiga Doorashada Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya habka iyo Shuruudaha Doorashada
- Xildhibaan C/risaaq Juurille: "Waxaan ahay musharax u taagan Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya"