4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Maydka Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya oo la geeyay Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya halkaasoo lagu aasi doono (SAWIRRO)


Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Maydka ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo xanuun dhinaca caloosha ah ugu dhintay dalka Belgium ayaa xalay la geeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya inkastoo aan weli la shaacin xilliga la aasayo.

Dadweyne aad u fara badan oo ka xun geeridiisa ayaa waxay dhinac cararayeen gaariga lagu waday maydkiisa, waxaana dadkaas qaarkood ay wateen shumacyo shidan oo u muuqday inay kusoo dhaweynayeen.

"Ruux kasta o bani'aadam ah oo geeriyooda kuma diganayno, balse geeridiisu waxay u noqonaysaa geeska Afrika iyo Itoobiya baal cusub oo u furmay, runtiina waxaan aaminsahay inuu dhici doono isbedel ay dadku ka macaashaan," ayuu yiri xoghayaha guud ee ONLF, C/raxmaan Mahdi.


Maydka Zenawi ayaa la dhigay qasriga looga taliyo dalka Itoobiya, waxaana halkaas ku sugan saraakiil fara badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo uu ku jiro ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda oo hadda haya xilka ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

Ra'iisul wasaarihii Itoobiya ee geeriyooday oo 57-jir ahaa ayaa wuxuu saameyn mug weyn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya, isagoo laba jeer ciidammo fara badan u soo diray, wuxuuna dhowr jeer oo hore sheegay inuu gacan ka geysanayo dagaalka ay dowlada Soomaaliya kula jirto Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa soo dhaweysay geerida Zenawi iyadoo afhayeenka guud Sheekh Cali Dheere uu sheegay in dhimashada Meles ay billow u tahay burburka dalka Itoobiya.

Dalka Itoobiya oo dhan ayaa waxaa looga dhawaaqay baroor-diiq loo sameynayo geerida Zenawi, waxaana wararka laga helayo ay sheegayaan in dowladdu ay ku jirto diyaarinta aaska ra'iisul wasaarahoodii.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya