![]() |
"Ninkaas wuxuu ahaa halyey Afrika ka geeriyooday, wuxuuna ahaa hoggaamiye weyn oo dalka Itoobiya isbedel ka sameeyay - haddey ahaan lahayd dhinaca siyaasadda; wuxuuna mideeyay qowmiyadaha badan ee dalkaas daggan, iyadoo loo ogolaaday gobol walba inuu afkiisa ku hadasho dastuur gooni ahna yeesho ayna ka mid ahaato dalkaas," ayuu yiri Faroole.
Wuxuu sheegay in sidoo kale lagu xusuusan doonaa inuu baabi'iyay khilaafkii diimaha ee dalkaas ka jiray, maadaama ay dalkaas ku nool yihiin muslimiin iyo kirishtan fara badan ayna noqdaan dad cibaadadooda sameysta iyagoo aysan wax khilaafka u dhexeyn.
"Anigu dhowr jeer ayaan la kulmay wuxuu ahaa nin niyadda ku hayay in Soomaaliya ay dowlad ka dhalato, xasiloonina ay kusoo noqoto, waxaana ciidamadiisa uu u soo diray si ay argagaxisada ula dagaalamaan," ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland iyo mas'uuliyiin kale oo maamulkiisa ka tirsan ayaa waxay saxiixeen buugga tacsida ee Zenawi, kaasoo la dhigay dhisme ku yaalla Garoowe oo ah qunsuliyadda Itoobiya Puntland.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
