4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Guddiga Doorashada Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya habka iyo Shuruudaha Doorashada

Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horreeyay kaga doodi doona habka iyo shuruudaha doorashada oo lagu wado inay toddobaadka soo socda dhacdo.

Xubnahan guddigan qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay inay kulankoodan ugu horreeya ku dajin doonaan shuruudaha doorashada iyo habka ay u dhacayso, taas oo uu horay uga dhawaajiyay guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka habeenkii la dhaariyay xildhibaannada.

"Waxyaabaha aan kaga hadlayno kulankeena waa inaan sal u dhigno doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka, markaas kaddibna aan shaacinno shuruudaha laga doonayo murashaxiinta doonaya inay u tartamaan guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa," ayaa laga soo xigtay guddiga qaarkood.

Guddigan oo ka kooban 15-xubnood oo isugu jira 10-rag ah iyo shan dumar ah ayaa waxaa laga doonayaa inay ku diyaariyaan doorashada guddoonka baarlamaanka illaa 25-ka bishan laga gaarayo, taasoo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Baarlamaankan cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo joogto ah oo ay Soomaaliya yeelato tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, iyadoo lagu wado in doorashada guddoonka kaddib la doorto madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa waxay ka mid ahaayeen 211 mudane oo lagu dhaariyay habeen hore garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxayna ku yimaadeen habka uu ku dhisan yahay baarlamaanka ee ah shanta beelood iyo barka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya