Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay xerada IFO haweeney ka mid ahayd guddiga ammaanka xeradaas oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.
Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Qureesho Xuseen Raage ayaa waxaa toogtay saddex nin oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markiiba goobta isaga baxsaday, waxaana falkan uu qayb ka noqonayaa falalka ammaan-darro ee ka jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab.
"Dilku wuxuu dhacay xalay fiidkii, waxaana geystay rag bastoolado ku hubeysna oo markiiba baxsaday," ayuu yiri sarkaal u hadlay booliiska Kenya, kaasoo sheegay inay maanta socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii dilkaas ka dambeeyay.
Weli ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka haweeneydaas oo xubin ka ahayd guddiga ammaanka ee xeradaas, waxaana dilkeeda uu imaanayaa xilli sidan oo kale ay kooxo hubeysan dilal u geysteen mas'uuliyiinta ammaanka xeryahaas.
Xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab oo kala ah: Xagar-dheer, IFO iyo Dhagaxley ayaa lagu tilmaamaan xeryaha qoxootiga ee dunida ugu weyn, waxayna hoy u yihiin in ka badan nus malyuun qof oo Soomaali ah, kuwaasoo dalkooda uga cararay dagaallada iyo abaaraha ka taagan.
Tan bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo ay dowladda Kenya ciidammo fara badan u dirtay Soomaaliya ayaa waxaa deegaannad ku dhow xadka ka dhacayay qaraxyo lagu weerarayo ciidamada amaanka Kenya iyo mas'uuliyiinta xeryaha Qoxootiga ee Dhadhaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Xerada Qoxootiga IFO ku dilay haweeney ka mid ahayd Guddiga Ammaanka Xeradaas
More News
- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia oo Shaaciyay inuu u tartamayo xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya
- Madaxweyne Shariif iyo Danjire Mahiga oo ka hadlay Dhammeystirka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya
- Dabley hubeysan oo deegaan ku dhow Soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ku dilay dad shacab ah oo uu ku jiray Imaam Masjid
- Madaxweynaha Puntland: "Zenawi wuxuu ahaa Hoggaamiye weyn oo dalkiisa wax ka bedelay iyo halyey Afrika ka geeriyooday"
- Ciidamada AMISOM oo la wareegay Sugidda Ammaanka Waddada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka Tacsiyeeyay Geerida Ra’iisal Wasaarihii dalka Itoobiya Malas Zanawi
- Wakhtiga kala guurka ee Itoobiya oo keentay inuu yaraado isku socodkii Somaliland iyo Itoobiya iyo Amniga Xuduudda oo la adkeeyey
- Maydka Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya oo la geeyay Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya halkaasoo lagu aasi doono (SAWIRRO)
- Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dad shacab ah ku toogtay Isgoyska Sanca iyo Mayd lagu arkay Suuqa Xoolaha
- Guddiga Doorashada Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya habka iyo Shuruudaha Doorashada
- Xildhibaan C/risaaq Juurille: "Waxaan ahay musharax u taagan Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya"