Guddoomiyaha gobollka Hiiraan ayaa sheegay in Malas Zanawi uu ahaa hogaamiye siweyn uga dhax muuqday qaarada Africa, islamarkaana gacan weyn ka geysanayay sidii dib loogu celin lahaa nabadii dalka Soomaaliya.
"Waxaan rabaan in aan halka uga tacsiyeeyo mas’uuliyiinta dowladda Itoobiyo iyo shacbka intaba geeridii ku timid ra’iisal wasaare Malas Zanawi oo ahaa hogaamiye siweyn looga yaqaanay qaarada, dhinanca kalana ku howlanaa dib u soo celinta nabada Soomaaliya,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Hiiraan.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Zanawi uu u soo diray dalka Soomaaliya ciidammo kumannaan gaaraya si ay ula dagaallamaan Xarrakada Al-shabaab, taasoo qeyb ka ah ayuu yiri dadaalada uu ku doonayay sidii dalka Soomaaliya looga dhigi lahaa mid xasiloon.
"Waxaa uu qorshuhu yahay in aaska ra’iisal wasaaraha Itoobiya ay ka qeyb-galaan xubno ka tirsan maamulka oo aan horakacayo, sidoo kalana waxaa tagi doona aaska mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda KMG,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.
Dowladda Itoobiya waxaa magaalada Baladweyne ka jooga tiro ciidamo Itoobiyaan ah oo gacan ka siinaya maamulka gobollka Hiiraan dagaallada ka dhanka ah Xarrakada Al-shabaab.
Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ayaa sheegay sidoo kale in waxba iska badali doonin qorsha dowladda Itoobiya ee ku aadan sidii Soomaaliya looga abuuri lahaa jawi nabadoon iyo daganaasho waarta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya