
Jimco, April 06, 2012(HOL): Dalka Finland ayaa maanta waxaa ka dhacay kulana balaaran oo ah mid loogu baroordiiqayey geeridii naxadinta lahayd ee ku timd allah unaxariistee madaxdii Isboortiga Soomaaliya ee ku geeriyooday qarixii Muqdisho ka dhacay 4.4.2012 kulanka oo ka dhacay xarunta Ururuka dhalinyarada ee Kanava ayaa waxaa ka soo qayab galay dhamaan bahda Sportiska reer Finland.
Kulanka oo ahaa mid aad loo soo agaasimyey ayaa ugu horayan waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyey Sh.Mohamed Hasan oo ka mid ah Culimada Reer Finland waxaan uu tacsi guud u diray dhamaan ummada Somaliyeed Qaraabadii iyo Qoyskii ay ka geeriyoodeen dadkii meesha ku dhintay iyo bahda Sportiga meel walba oo ay joogaan. Sidoo kale waxa uu ku booriyey dadkii madasha isugu yimid Samir iyo dulqaad in ay yeeshaan waxaan uu xusay in dhibaatada ummad Somaliyeed haysataa ay maalin un dhamaan doonto loose baahan yahay in Samir badana lala yimaado waxan uu alle uga baryey in Jandii Fardowso ahayd uu geeyo dhamaan dadkii kugeeriyooday qarixii sidoo kalan alle uu caafimaad siiyo inta ku dhaawacan tay goobtaas.
Intaa kadib waxaa hadalka qaatay Agaasimaha Ururka Kanava Mohamuud Musse (Shujaac) oo asguna ka hadlay dawrkii ay Sportiga ku lahaayeen Masuuliyiintaas geeriyootay waxan uu xususay in bahda Sportiga looga baahan yahay in ay buuxiyaan kaalintii ay baneeyeen Masuuliyiintii geeriyooday.

Waxaa hadal qiima badan goobta ka soo jeedieyey Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada ee Kanava C/qaadir Ahmed Nuur (Hadaafow) waxaa uu tacsi guud u diray dhamaan ummad somaliyeed meelwaba oo ay joogaan gaar ahaa Bahda Sportiga, waxaan uu sheegay in hadii ay yihiin reer Finland looga fadhiyo in ay fadhiga ka kacan oo ay wax qabtaan si ay u daboolaan baahida faraha badan ee ay qabto ummada soomaaliyeed qaybaheed kala duwan waxan uu hadlkiisi ku soo koobay in la cafiyo Masuuliyiintii Sportiga ee goobta ku geeriyootay waxaan uu si gaar ah uga codsaday masuuliyiintii lasoo shaqaysay in ay cafiyaan Marxuumiinta asga oo xusay in ay ahaayeen rag u hurey naftoodii u shaqaynta ummadda somaaliyeed.
Waxaa kaloo madasha ka hadalay Cumar M.Jaamac (Cumar dhagawayne) Xogahayihii hore ee ciyaaraha fudud ee Somaliya, Cumar waxaa uu ka sheekeeyey taariikh nolaleedkii Gudoomiye Aadam Xaaji Yabarow (Wiish) waxaan uu sheegay in ay muddo soo wada shaqeeyeen waxaan uu xusay inuu abaal badan ku leeyahay gaar ahaan asaga, uuna fursad u siiyey inuu Sportiga ka mid noqdo, waxa uu soo qaatay in uu ahaa qof caan ka ah Bahada Sportiga Somaliya dhexdeeda waxaana uu soo qabtay xilal iyo shaqooyin kala duwan oo Sportis ah illaa uu gaaray heerka ugu sareeya ee laga gaaro Sportiga. Ugu danbayntiina waxa uu tacsi udiray dadkii qaraabadi i iyo dhamaan ummmada Somaaliyeed.

Dadkii goobta ka hadley waxa ka mid ahaa C/casiis Godax Bare oo ah xubin ka tirsan Gudiga fulinta (GOS) waxaa uu sheegay inuu in muddo ah lasoo shaqeeyay aadna ay isugu dhawaayeen illaa yaraantiisii, geerida ku timidna ay si gaar ah u taabatay asaga waxaana uu xusay in ay aad isugu dhawaayeen uuna ahaa gudoomiye kuxigeenkii kubada kolayaga markii uu Wiish ahaa Gudoomiya Xiriirka kubada kolayga. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu ahaa 1975 ilaa 1989 agaasimihii guud ee ciyaaraha Gobolada, waxa uu yiri waxaa uu ahaa nin jecel sidii loo hormarin lahaa Sportiga. Waxaa uu kaloo xusay Saciid M.Nuur (Mugaanbe) inuu ahaa nin dhalinyaro ah oo Sportiga ku soo biiray xiligii burburka waxa uu ahaa nin firfircoon oo aad u karti badan bahda Sportiga ay aad u jeceshay ,waxan uu tacsi u diray dhamaan bahada Sportiga iyo Ummada Somaliyeed.
Cismaan Cabdi Jeelle oo ka mid ahaa garsoorayaashii kubada koleyga somaliya waxan uu sheegay in ay sandii 1974 ay wada noqdeen garsoorayaal caalami ah waxan uu tacsi u direy dhamaan bahda Isboortiga.

Kulanaka waxan ka hadley dad badan oo magac ku dhex leh Sportiga Finland sida Ahmed M. Imed (Gud.Socus) Daahir Maclin (Ex Xoghayihii Ciyaara fudud) Cali Shariif (Ciyaartoy hore) Cabdi Axmed Cali fitig (Ciyartoy hore) , Mahamed Cali Yaanyo (Xog.hore ee xiriirka Kubada laliska) iyo Asad Caalim (Gudoomiyaha Golaha waxgaradka Somaliyeed ee Finland.
Waxaa kale oo goobta ka hadley odayaal magac ku dhex leh bulshada iyo aqoon yahanno Somaaliyed . Gabagabdii kulanka waxaa laga soo saarey baaq isugu jira tacsi iyo canbaarayan.
Kulanka oo uu Xiriirinyey Maclin Ibraahim (Jaanka) ayaa ku soo gabagaboobay jawi duco iyo alle bari loogu direy marxuumiintii ku nafwaayey iyo kuwii ku dhaawacamay qarxaas.






Abdiaziz Godah
Helsinki