Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo beeniyay inay Madaxda Dowladda KMG ah wax ogaayeen Qaraxii Tiyaatarka

Jimco, Abriil 06, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka DKMG ah, C/samad Maxamuud Xasan ayaa beeniyay warar sheegaya in madaxda DKMG ah qaarkood ay wax ka ogaayeen qaraxii ka dhacay Tiyaartarka Muqdisho, isagoo sheegay in wararkaas asysan waxba ka jirin.

C/samad Maxamuud wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kuwii ka dambeeyay weerarkaas, sidoo kalena ay ka go'an tahay xukuumadda inay sugto ammaanka caasimadda si looga hortago qaraxyo noocan oo kale oo mar kale dhaca.

"Waxaa jira warar sheegaya in madaxda dowladda qaarkeed ay wax ka ogaayeen in ay ka qaybgalaan munaasabadda taasna ay macnaheedu tahay inay wax ka ogaayeen qaraxaas, taasna waa been aan jirin," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo shir jaraa'id qabtay.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in weerarku uu ahaa mid si siman loogu doonayo in lagu waxyeelleeyo madaxda dowladda KMG ah, balse sidii la rabay uusan u dhicin, isagoo sheegay in Alle uu ka badbaadiyay.

Qaraxa ismiidaaminta ah ayay dowladdu sheegtay inay geysatay haweeney walxo qaraxa lagu soo xiray, inkastoo Al-shabaab ay sheegeen in waxyaabaha qarxay lagu diyaariyay goobta sidii la doonayayna loo qarxiyay.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa ka badbaaday qaraxaas isagoo ahaa mas'uulkii ugu sarreeyay ee goobta ku sugnaa, waxaase ku dhintay lix qof oo ay ku jiraan labadii mas'uul ee ugu sarreeyay isboortiga Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya