Jimco, Abriil, 06, 2012 (HOL) – Kadib markii galinkii danbe ee maalintii shalay kooxo hubeysan ku toogteen meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaala xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne Alle ha u naxariisteen wariye Mahad Salaad Aadan ‘’Mahad Jarmal’’ ayeey ciidamada maamulka gobolka Hiiraan toogasho ku tileen mid ka mid ah raggii ka danbeeyay dilka wariyaha.
Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Cag-joof oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in ciidamada maamulka gobollka qaadeen taalaabo la xiriirtay dilka wariyaha, taasoo keentay sida uu sheegay in ay toogtaan mid ka mid ah raggii dilay wariye Mahad Jarmal.
‘’Runtii waxaan u mahad celineynaa shacab-ka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo gacan wanaagsan siiyay ciidamada nabad-galyada, qofka ay ciidamada dileen waa gacan ku dhiiglihii dillay Mahad Jarmal, waayo waxaa uu ku dillay meel fargaaro ah dadkii arkayay ayaana sheegay,’’ ayuu yiri,’’ afhyeenka maamulka gobollka Hiiraan.
Waxaa uu intaa ku darray in ciidamada markii hore isku dayeen in ay nolal ku qabtaan, si xog wareysi loola yeesho, laakiin taasi suurtagal ma noqon, kadib markii uu bilaabay in uu la diriro ciidamada.
‘’ Annaga waxaan ku talagalnay markii hore in aan qabano isaga oo nool, si cadaalada loo horkeeno, sharcigana loo mariyo, laakiin waxaa uu bilaabay in uu diriro isaga oo adeegsanaya bastooladii uu ku dillay Wariyaha, sidaa daraadeed xalka ugu danbeeya waxaa uu noqday in la toogto ayuu yiri,’’ Max’ed Nuur Caga-joof oo ah afhayeenka maamulka gobollka.
Dilka Wariye Mahad Jarmal ayaa waxaa siweyn uga naxay inta badan bulshada ku dhaqan magaalada Beleweyne, gaar ahaan bahda saxaafadda magaalada oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen Mahad Salaada Aadan oo saakay lagu aasay magaalada Beledweyne.
Sanadkan gudihiisa waa wariyihii sadaxaad ee la dillo, laakiin dhinaca kale marka aad eegto waxaa uu noqonayaa Mahad Salaada Aadan wariyihii ugu horeeyay oo ay rag hubeysan si bareer ah ugu toogtaan magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.