Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Cambaareeyay Qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Magaalada Muqdisho

Jimco, Abriil 06, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midobay ayaa cambaareeyay qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqdisho Arbacadii lasoo dhaafay, iyagoo ku tilmaamay weerar argagaxiso oo fool xun.

Qaraxan oo ahaa mid ismiidaamin ah ay ku dhinteen lix qof oo ay ku jiraan labadii mas'uul ee ugu sarreeyay bahda isboortiga Soomaaliya, ayaa waxaa mas'uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab iyagoo sheegay inay ku dileen xubno dowladda ka tirsan.

"Weerarku wuxuu muujinayaa in si cad loogu xadgudbayo shacabka Soomaaliyeed," ayay yiraahdeen 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan yeeshay.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in golaha ammaanka ay ka taageeyaan DKMG ah sidii ay u soo celin lahayd ammaanka iyo kala dambeynta Soomaaliya, iyagoo sidoo kale sheegay inay ka taageerayaan ciidamada AMISOM howgalka ay ku raadinayaan nabad ka dhalata Soomaaliya oo dhan.

Sidoo kale, goluhu wuxuu ku tilmaamay in falalka argagaxiso ee Soomaaliya ka dhacaya ay khatar muuqata ku yihiin nabadda iyo xasiloonida dalka iyo dadka Soomaaliyeed intaba.

Ugu dambeyn, waxay 15-xubnood ee golaha ammaanku hoosta ka xariiqeen in kuwii ka dambeeyay qaraxii ay dhimashadai yo dhaawaca sababay lasoo qabto lana horkeeno sharciga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya