RA'IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA: "Weerarkii Ismiidaaminta ee Tiyaatarka wuxuu noo noqonayaa Digniin"

Jimco, Abriil 06, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu u noqonayo digniin weerarkii ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho, isagoo sheegay inuusan waxba u dhimayn howlaha ay ku doonayaan inay dalka nabaddiisa kusoo celiyaan.

C/weli Maxamed Cali oo wargeysyo caalami ah u warramayay ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay wixii ka dhacay gudaha Tiyaatarka Muqdisho halkaasoo ay ka socotay munaasabad weyn.

"Anigu gudaha tiyaatarka ayaan ku jiray markii uu qaraxu dhacayay, waxanaa goobjoog u ahaa madaxdii isboortiga Soomaaliya oo ku dhintay qaraxa," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in weerarkan uu cashar u noqonayo ayna xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo uu sheegay inay caado ka dhigteen inay dadka shacabka ah laayaan markii looga adkaaday goobaha dagaalka.

"Soomaalida waxaa soo gashay rajo inay dib u dhisaan Muqdisho," ayuu yiri ra'iisul wasaaruhu u sheegay wargeyska New York Times, isagoo intaas raaciyay: "Ciyaaraha, farshaxanka iyo nalalka waddooyinka la geliyay, dhammaantood waa dib u soo noqoshada nolosha Muqdisho. Haddii Al-shabaab ay isku daydo inay carqalad ku sameyso waan ka hortagaynaa."

Qaraxii Tiyaatarka Muqdisho wuxuu dhacay xilli uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya akhrinayay khudbad ku saabsanayd dib u howgelinta telefishinka Soomaaliya oo ay kasoo wareegtay hal sano, inkastoo uu isagu ka badabaaday qaraxaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya