Jimco, Abriil 06, 2012 (HOL) — Xukumadda KMG Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay si xoogan u dhaleecaysay dilkii qorsheysnaa ee lagula kacay Mahad Salaad Aadam oo ahaa wariyihii idaacadda Shabelle ee Gobolka Hiiraan, kaasoo saddex nin oo wajiga qarsaday ay ku dileen gurigiisa hortiisa.
Wasiirka Warfaafinta Boostada & Isgaarsiinta, Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa yiri: "Waanu canbaaraynaa dilkan qorsheysan ee wuxuushnimada ah oo loo geystay wariye ka tirsan hay’adaha warbaahineed ee hormuudka ka ah u shaqeynta dadka Soomaaliyeed."
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri: "Aadam waa wariyihii ugu dambeeyay ee ay Al-shabab dilaan, waxayna caadeysteen intii ay ku bilaabeen argagixinta bulshada Soomaaliyeed inay beegsadaan wariyaasha, milkiilayaasha idaacadaha, agaasimayaasha iyo tifatirayaasha."
Suxufigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo lagu dilo Baladweyne, iyadoo aysan jirin koox sheegatay inay mas'uul ka tahay dilkaas, waxaase qaabka loo dilay inta badan isticmaala xoogagga dowladda kasoo horjeeda.
Mas'uuliyiinta dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay dileen mid ka mid ah raggii dilay wariyaha, iyadoo wariyaha maanta lagu aasay qubuuro ku yaalla degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
"Anigoo ka wakiil ah xukuumadda Soomaaliya waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo saaxiibada marxuumka uu ka tagay, dhammaan wariyayaasha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan EEBBE uga baryayaa inuu naxariistii jano ka warabiyo," ayuu wasiirka warfaafintu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya