Jimco, Abriil 06, 2012 (HOL) — Hay'ad ka digta abaaraha oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in roobabkii sannadkan ka di'i lahaa dalalka Bariga Afrika ku yaalla oo ay ku jirto Soomaaliya.
Hay'addan oo lagu magacaabo FEWS NET ayaa waxay sheegtay in roobabku ay yaraan doonaan illaa bisha May laga gaarayo, taasoo ay ku sheegtay inay dhici karto in abaartii ku dhufatay Soomaaliya ay kasii darto.
"Roob yaraanta waxaa laga yabaa inay saameyn ku yeelato raashin la'aanta ka jirta gobolka, iyadoo weli dadka ku nool gobolka aysan kasoo kabsan abaarihii macluusha dhaliyay ee ku dhuftay sannadkii hore 2011," ayaa lagu yiri wrabixin ay hay'addu soo saartay maanta.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay sare u qaadday dhaqaalihii ay ku caawinayso dalalka Bariga Afrika. Iyadoo Mareykanku uu ugu baaqaay dalalka kale ee deeqaha bixiya inay kordhiyaan dhaqaalaha ay ku caawinayaan dalalka Bariga Afrika ku yaalla.
Hay'addu waxay ku baaqday in lagu caawiyo Qaramada Midoobay lacagihii ay horay u dalbadeen si ay u caawiyaan dadka ku nool dalalka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya oo ay saameynta xooggan ku yeesheen abaarihii sannadkii hore dhacay.
Digniintan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo sannadkii hore ay kumanaan qof oo u badan caruur u dhinteen macluulo ka dhashay abaarihii ugu darnaa muddo 60-sano ah oo ku dhuftay dalalka Geeska Afrika.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya