5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2011
Duqa Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo xabsiga loo taxaabay, xilkiina laga qaaday

Isniin, June 20, 2011 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay, isla markaana xilkii maayarnimo ka qaadday Maayarkii magaalada Laascaanood Axmed Aw-Daahir Xasan, ka dib markii eedo loo jeediyay.

Maayarka Laascaanood ayay Ciidamada Booliska ee magaaladaasi shalay galab ka qabteen Gurigiisa magaalada Laascaanood, isla markaana u taxaabeen xabsiga dhexe ee magaaladaas. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo in muddo ahba hadda ku sugnaa magaalada Laascaanood, kana mid ah guddi loo saaray arrimaha Gobolka Sool oo dhawaanahanba amnigiisu aanu wacnayn, ayaa sheegay in aanu isagu shaqsiyan amrin xadhigga Maayarka, balse Guddida uu ka tirsan yahay ay amartay, "Maayarku wuu xidhan yahay, waxaana xadhiggiisa amartay Guddida gobolka Sool," ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo warbaahinta qaarkeed uga waramay.

Wasiirku wuu ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo sababta xadhiggiisa, "Baadhis ayaa lagu wadaa kiiskiisa, ilaa ay wax ku caddaadaanna waxba ka odhan maayo," ayuu ku gaabsaday hadalkiisa Wasiirku. Hase ahaatee, wararka qaarkood ayaa sheegay in Maayarka lala xidhiidhanyo falal amni-darro oo sanadihii u dambeeyay ka dhacay magaaladaas qaarkood. Waxaanu warku intaa ku daray in Maayarka xilkii laga qaaday isla shalay markii la xidhay, isla markaana laga wareejiyay Gaadhigii Dawladda ee uu watay.

Magaalada Laascaanood ayaa sanadihii u dambeeyay ay ka dhacayeen falal amnid-arro oo lala beegsaday masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, kuwaas oo qaarkood lagu dilay, qaar kalena lagu dhaawacay. Waxaanay xukuumaddu hore u sheegtay inay waddo hawlo arrimahaas lagu xallinayo.

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland