Labo ka mid ah ganacsatada Bosaaso oo maanta lagu dilay gudaha degmada iyo booliska oo baairtaanno wada

Isniin, June 20, 2011 (HOL) – Kooxo dablay hubaysan ah ayaa saaka aroortii ku dilay gudaha magaalada Bosaaso laba kamid ah ganacstada gobolka Bari,kuwaasi oo ka shaqayn jiray shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Red Sea ,taasi oo qaabilsan dhinac dhismaha guryaha.

Dablayda dilkan fulisay ayaa la sheegay in ay ku hubaysanaayeen baastoolado iyo qaar kamid ah hubka culus ,waxaana jira laba ruux oo dhaawac uu ka soo gaaray falkii lagu laayay ganacsatadaasi oo loo dilay arimo salka ku haya aano qabiil sida ay xaqiijiyeen ehelada labada ruux.

"Mar qura ayaa goobta waxaa isugu soo xoomay dad badan oo ka ag dhawaa meesha, waana ay baxsadeen dablaydii dilka gaysatay," ayay tiri Faadumo oo mehrad ku leh goobta dilka uu ka dhacay oo la hadashay HOL, iyadoo ay ka muuqatay naxdin badan oo la xiriirta dilka.

Ciidamo ka tirsan kuwa degmada ayaa goobta soo gaaray, kuwaasi oo fuliyay howlgallo lagu sugayo amniga, mana jirto cid si rasmi ah ilaa iyo hadda ay ciidanka degmada ugu soo qabteen kiisaskii degmada ka dhacay, kuwaasi oo maanta laga hadal hayo gudaha degmada Bosaaso.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu ugaarsanayo kooxo uu ku tilmaamay in amniga ay qal-qal ku wadaan, isagoo u digay beelaha qaar ee wada dega gobolka Bari.

"Ciidanka uma dul qaadan doonaan arimaha noocaan oo kale ah, waxaa dadka looga baahanayahay in ay iska qabtaan ciddii amniga waxyeelaynaysa," ayuu yiri taliyaha,isagoo ka gaabsaday in uu ka hadlo dad laga sii daayay xabsiyada Puntland oo ku eedaysnaa danbiyo aad u cul-culus.

Deegaanada Puntland waxaa bilihii ugu danbeeyay ka jiray falal amniga liddi ku ah ,kuwaasi oo badankood salka ku hayo xiisadaha u dhaxeeya beelaha qaar ee ku nool gobolka oo inta badan iska dila dad loo arko inay bulshada dhexdeeda muhiim ka yihiin.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya