Xukuumadda Itoobiya oo liiska kooxaha argagaxisada ah ku dartay ururro ay ku jirto Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin

Isniin, June 20, 2011 (HOL) – Xukuumadda dalka Itoobiya ayaa ku go'aansatay kulankii 27-aad ee golaheeda wasiirrada oo toddobaadkan dhacay in shan urur oo intooda badan ay ka dagaalamaan dalkaas ay ku darto liiska kooxaha argagaxisada ah.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ururrada ONLF, OLF iyo Ginbot 7 oo dhammaan ka dagaal kula jira dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah kuwa lagu daray liiska kooxaha argagaxisada ah ee dalkaas iyadoo la sheegay in arrintan loo cuskaday Axdiga dalkaas.

"Kooxda OLF oo u dagaalanta xorreynta Ismaamulka Oromada, waxay ka fulisay gudaha Itoobiya 106 weerar oo u habeysan sida kuwa argagaxisada," ayaa warsaxaafadeedka ay soo saartay xukuumadda Itoobiya lagu yiri.

"Jabhadda Qaranka Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF, waxay fuliyeen tiro weerarro ah, kuwaasoo uu ku jiro weerar lagu dilay shaqaale Shiinays ah oo u shaqeynayay shirkad shidaalka qodda," ayaa sidoo kale bayaanka Itoobiya lagu sheegay.

Jabhadda ONLF ayaa fulisay sannadkii 2007 weerar qorsheysan oo ay la beegsatay shirkad kuwa shidaalka qoda ah oo howl ka waday dhulka Soomaalida, waxayna ku dileen weerarkaas 74-qof oo ay ku jireen sagaal qof oo u dhashay dalka Shiinaha iyo inta kale oo ahaa askarta Itoobiya.

Sidoo kale, dowladda Itoobiya waxay sheegtay in liiskeeda kooxaha argagaxisada ah ay ku dartay shabakadda Al-Qaacida iyo Xarrakada Al-shabaab. Iyadoo xukuumadda Addis Ababa ay sheegtay inay dadaal u galayso sidii ay ula dagaalami lahayd kooxahaas.

Dowladda Itoobiya aya faragelin ciidan ku sameysay Soomaaliya sannadkii 2006, iyadoo Xarrakada Al-shabaab oo ka mid ahayd xoogaggii Islaamiyiinta ahaa ee Soomaaliy ay la dagaalameen ciidamadii Itoobiya tan iyo intii ay Itoobiya kala baxaysay ciidamada.

Warsaxaafadeed ay Jabhadda OLF uga jawaabaysay hadalkan oo ay kasoo saartay xafiiskooda dalka Eritrea ayay ku yiraahdeen: "Tani waxay qayb ka tahay riyooyinka ay dowladda Itoobiya ku doonayso inay ku sababto shacabka dalkaas iyo beesha caalamka, si ay uga hortagto in dadku ay kacdoono sameeyaan."

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya