Tababar looga hadlay sidii dhallinyarada Soomaaliyeed aan loogu adeegsan lahayn dagaallada oo Muqdisho ka dhacay


Isniin, June 20, 2011 (HOL) – Hay'adda CCD ayaa maanta ku qabtay Muqdisho wajigii labaad tababar looga hadlayay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee maanta aan dagaallada loogu adeegsan lahayn, iyadoo tababarkan ka qaybgaleen Odayaal, nabaddoonno iyo waxgarad ka socday dhaqanka Soomaaliyeed.

Tababarkan ayaa ahaa mid qaybihii ka qayb-galay ay ku cabireen fikradooda ku aadan sida dhaqanka uga samata-bixin karo dhalinyarada maanta jirta in loo adeegsado xaabo lagu shido colaada dalka ka taagan.

Wakiilka Imaamka Islow Maxamed Yuusuf Cali oo furay siminaarka ayaa sheegay in waqti badan lasoo maray, isagoo si gaar ahaan u soo qaatay dhaqankii suubanaa ee xilligii hore Soomaalida lahayd, kaasoo uu hadda xusay inuu is bedelay.

"Dhaqankii suubanaa ee horay u jiray - hadda waxaa leenahay inuu doorsoomay waxaan lahayn caadooyin muujinayay in dhaqanku ahaa mid kala hagi jira dadka, kala dambeyna waa uu ahaa, waayo dhaqanka ayaa ahaa marjicii loogu laabanayay haddii dhibaatooyin ay yimaadaan, hadda laakiin dhaqankii hore waa is bedelay" ayuu yiri Islow Maxamed Yuusuf.

Islow Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in hadda iyo wixii ka dambeeyay loo baahan yahay in dhaqanka wax lagu toosiyo, isla markaana talada dhaqanku noqoto mid hagaagsan.

Sidoo kale, Nabadoon Shariif Xuseen Jilicow ayaa isna goobta ka sheegay in loo baahan yahay dhaqanka kaalin ka qaadato sidii dhalinyarada maanta dhibaatada looga duwi lahaa dhabbaha colaadda, wuxuuna cadeeyay in dhaqamadii hore haatan la suuliyay, dhaqan cusub oo aan la garaneyn dalka la soo geliyay, kaasoo uu sheegay inuu ahaa kan dhalinyarada lagu qalday.

Nabadoon C/llaahi Sayid Cali oo ku hadlaya magaca nabadoonada beelaha banaadiriga ayaa sheegay in dhalinyarada maanta ay yihiin kuwo marin habaabsan, loona baahan yahay in la sameeyo wacyigelin looga hortagyo in dagaallada lagu huriyo.

Sheekh Maxaadeey Maxamuud Jilcawo oo isna hadal dheer jeediyay ayaa tilmaamay in dhalinyarada maanta loo baahan yahay inay ku daydaan dhalinyaradii hore ee SYL, si buu yiri ay dalkooda ugu horseedaan nabad iyo kala dambeyn.

Dhammaan waxgaradkii ka hadlay tababarka oo ay ka mid ahaayeen: Nabadoon Khaalid Cabdi Jimcaale, C/llaahi Muuse Cadde, Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa dhamaantood waxay soo jeediyeen in dhallinyarada laga weecin karo in dagaallada loo adeegsado balse loo baahan yahay in wacyigelinno joogto ah oo looga digayo dagaallada.