Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya oo ka cabanaya nolol xumo iyo ammaan-darro

Isniin, June 20, 2011 (HOL) – Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta qoxootiga adduunka ayaa haddana qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya waxaa laga soo sheegayaa inay ku nool yihiin nolosha ugu liidata dunida iyagoo ay intaas u dheer-tahay biyo la'aan iyo ammaan-darro.

Qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha Dhadhaab ayaa intooda badan halkaas gaaray sannadihii ugu dambeeyay iyagoo ka cararay dagaallada kasii socda dalka Soomaaliya iyo cadaadisyo ay kala kulmeen dhinacyada siyaasadda isku haya.

"Xeryahan qoxootiga ku nool aad ayay uga badan yihiin intii loogu talogalay, sidaas darteedna waxaa maalin walba soo gaara dad fara badan oo ka imaanaya Soomaaliya. Qoysaskiiba waxaa ku dul nool illaa afar qoys oo kale," ayuu yiri Daahir Maxamed oo ka mid ah dadka xeryahaas ku noolaa 20-kii sano ee ugu dambeeyay.

Sidoo kale, Daahir wuxuu sheegay in qulqulka qoxootiga ka imaanaya Soomaaliya aysan arag 12-kii sano ee ugu dambeeyay, isagoo xusay in ammaanka uu yahay mid aad u xun sidoo kalena ay xeryaha ka jirto nadaafad xumo.

Haweeney ka gaabsatay inay magaceeda sheegto oo ku nool xerada Xagardheere ayaa u sheegtay BBC-da in ninkeedii uu gacanta u galay Xarrakada Al-shabaab ayna iyada iyo shan caruur ah oo ay dhashay sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay ay ku nool yihiin xerada Xagardheer si ay uga nabadgalaan dagaallada iyo duqeymaha joogtada ah ee ka socda Soomaaliya.

"Halkaan waxaan joogaa sagaal bilood, xaaladeenna nololeed waa mid aad u liidata waxaan cunaa oo keliya raashinka maalinlaha ah ee aan ku helno kaararka ay na-siisay hay'adda UNCHR," ayay tiri haweeneydan iyadoo sheegtay inaysan haysan caruurteedu waxbarasho.

Wariyaha BBC-da oo booqday xerada Xagardheer ayaa tagay ceel biyo laga dhaansado oo ay ku sugnaayeen haween badan, waxayna qaarkood u sheegeen inay dhibaato badan ku qabaan helidda biyaha, ayna mararka qaarkood helaan jirgaan 20-liitar qaada oo biyo ah oo aan qoyska ku filnayn, mararka qaarkoodna ay waayaan.

"Dadka soo barakacay ayaa culeys ku keenay xeryaha, hoyga ciriiri buu nagu yahay, biyuhu ciriiri bay nagu yihiin... gabdho ayaan nahay xilliga habeenkii ah ma bixi kano oo biyo ma doonan karno, biyaha aan helnana nagumana filna," ayay tiri Sahro Bashiir.

Xabiibo Isaaq oo ka mid ahayd haweenkii ceelka ku sugnaa ayaa iyaduna sheegtay in xitaa aysan haysan biyo ay siiyaan haweenkii umulay, iyadoo xustay in dhibkii ay horay u qabeen ee ahayd qoxootinimada ay ugu darsantay biyaha oo aad ciriiri u ah.

Madaxa hay'adda UNCHR Antonio Gutteres ayaa sheegay in 80% qoxootiga dunida ay ku nool yihiin dalalka faqriga ah, isagoo sheegay in dadkaas aysan ka heli karin dalalka ay ku nool yihiin nolol wanaagsan iyo sharci daganaasho, isagoo xusay in qoxootiga dunida ugu badan ay ku nool yihiin dalka Bakistaan.

Xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab oo saddex ah ayaa markii la furyay waxaa loogu talo-galay inay ku noolaadaan illaa 40,000 qoys, iyadoo ay haatan ku nool yihiin in ka badan 120,000 oo qoys.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdsiho, Soomaaliya