Isniin, June 20, 2011 (HOL) – Golaha wasiirrada maamulka Galmudug ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Gaalkacyo waxay kusoo dhaweeyay iscasilaaddii ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo ku tilmaamay mid meesha ka saaraysa khilaafkii u dhexeeyay hay'adaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
"Tanaasulkii geesinimada lahaa ee uu sameeyay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu xilka isaga casilay waan soo dhaweynaynaa, waxaana u aragnaa mid khilaafka jira meesha ka saaraya," ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo afhayeenka maamulka Galmudug Axmed Baasto oo warbaahinta la hadlay kaddib kulankooda.
Maamulka Galmudug oo ka taliya deegaanno ku yaalla gobollada Mudug iyo Galguduud ayaa sheegay in iscasilaaddan ay qayb ka ahayd heshiiskii ay madaxda DKMG ah ku gaareen magaalada Kampala, iyagoo sheegay inay soo dhaweynayaan in heshiiskaas la fuliyo.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi ayaa xilka ra'iisul wasaarinimo shalay iska casilay isagoo sheegay inuu u tanaasulayo dadka iyo dalka Soomaaliya, waxaana iscasiladdaan kasoo horjeestay maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Galguduud.
Afhayeenka Galmudug Axmed Baasto wuxuu sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan dadkii dibadbaxyada ka dhigay Muqdisho ee taageerayay xukuumadda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay inay uga digayaan madaxda DKMG ah inay khhilaafyo dambe dhexdooda kusoo laabtaan,
Maamulka Galmudug ayaa ka mid ahaa maamulladii ka qaybgalay kulankii Kampala oo lagu gaaray heshiis ka kooban 10-qof oo ay ka mid ahaayeen inuu iscasilo Farmaajo iyo in dowladda hal sano ah ay sii shaqeyso dibna loo dhigo doorashadii sannadkan dhici lahayd.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya