
Ugu horreyn waxaa halkaasi ka hadlay oo ka warbixiyey hadafka faraxa Hiil-Qaran ee Netherlands Ibraahim Mursal oo ka mida masuuliyiinta xisbiga Hiilqaran Netherlands, isagoo si gaar ah uga hadlay aayo-xumada dalka iyo dadka Somalida ay ku sugan yihiin, ayna tahay sababta keentay in ay dad Soomaliyeed oo ku walaaloobay Soomalinimo iyo Islaamnimo, in ay aas aasaan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Hiil Qaran.
Intaasi kaddib waxaa makrafoonka lagu soo dhowaayey Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah guddiga sare ee dhaqdhaqaaaq Hiil-Qaran, xisbigan oo xaruntiisu tahay caasimada dalka Soomaliya ee Mogadishu. Wuxuu si qoto dheer oo faahfaahsan uga hadlay ujeedooyinka xisbigan Hiil-Qaran iyo waxyaabaha uu musqtabalka hiigsanayo. Wuxuu sheegay Prof. Abdi Samatar in xisbigan Hiil Qaran in ay himiladdisu tahay in uu ka qaybqaato sidee loo soo celin lahaa qaran Soomaliyeed oo ku dhisan cadaalad iyo nabad, qarankaas oo qof kasta oo Soomaali ah xitaa madaxwaynaha dalka uu la xuquuq yahay qofka kale ee Soomaaliga ah. Hiil Qaran wuxuu u furanyahay qof kasta oo Soomali ah, oo aaminsan mabda’a Soomalinimo iyo Islaamnimo in dib loogu dhiso qarankii Soomaaliyeed ee burburay.

"Magaalada Gibileey ee aan anigu ka imid waxaa joogi jiray Eey qura waagaan caruurta ahaa ee aan malcaamadda ku jiray..Eeygaasi waxaanu oran jirnay bala-qoo, ciddii kolba wax u tuurta ayuunba daba dhasleeyaa.....Somali waxaa mooddaa inay bala-qoo wada noqotay oo kolba kii yiraahda anaa wax kaa dhigaya ayey daba ordaan...Markaa bala-qoo si looga baxo waa in baryootan laga baxaa...Baryootan macnahiisu waxa weeyaan hadduu qof jeebka kaa xukumo ama ay kaa xukunto way kuu dhamaatay” ayuu yiri Prof. Samatar.
Prof. Abdi Samatar oo hadalka watay wuxuu yiri, ururkan waxa kaliya oo qarash ka qaadnayo waxa weeye shacabka Soomaaliyeed, maxaa yeelay ayagaa leh, ayaguuna xisbigu u shaqeen doonaa. Dalkeena waxa kasoo baxa wuu nagu filan yahay, haddaan la nimaadno farsamadeeda, waxaana halkan idinkugu sheegayaa, anigoo ah nin ku takhasusay arimaha Soomaliya, baarayeyna si accademic ah muddo ka badan 25 sano ah, in uu Hiil Qaran hayo farsamadee dalka loogu raadinlahaa dhaqaale ku filan oo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu dileen lagu badbaadiyo, loona abuuro xirfadooyin ay ku shaqaystaan, tusaale ahaan waxaan idiin sheegayaa in kharashka kalluunka Soomaaliya ay maafiyadu ka gurato xeebaheena, ay ka helaan sanadkasta 400 oo milyan, lacagtani waxay ka badan tahay lacagta macaawinada loo siiyo jamuuriyada Soomaliya sanad kasta.
Waxa kale uu sheegay Prof. Abdi Samar in xisbiga Hiil-Qiiran uu si weyn uga soo horjeedo hannaanka maamul ee ku dhisan afar iyo bar (4.5) ee dalka Somalia, uuna ku dadaalayo sidii arrintaasi looga gudbi lahaa mustaqbalka.
Khudbadii dheereyd ee Professor Cabdi Ismaciilo Samatar ka dib ayaa waxaa dadkii ka soo qeyb galay xaflada loo sheegay in uu u furan yahay xisbiga Hiil-Qaran oo ay xubin ka noqon karaan, waxaana goobta loogu qeybiyey foomamka xubinnimada Xisbiaga, iyadoo qofka uu bixinayo 10 Euro bil kasta uu xaq u leeyahay inuu codkiisa dhiibto. Waxaa hadda jira guddi si ku meel gaar ah u wada howsha Xisbiga Hiil Qaran ee dalka Netherlands, iyadoo lagu ballamay in mustaqbalka dhow la dooran doono guddi rasmiya.

Intaasi kaddib Muuse Xersi oo ah gudoomiyaha Xisbiga Hiil-Qaran qeybtiisan dalka Netherlands ayaa Radio Dalmar/Hiiraan Online u sheegay in dalka Nederlands si weyn looga soo dhoweeyey sameynta faraca Hiil-Qaran, Somalida ay diyaar u tahay la shaqeynta xisbigan oo loo arko buu yiri mid mustaqbalka la doonayo in dalka Somalia lagu badbaadiyo dhinac kastaba.
Xisbiga Hiilqaran waa dhadhaqaaqii ugu horeeyey ee laga sameeyo dalka somalia kaddib xisbigii gabonimo-doonka ahaa ee SYL, iyadoo xisbigan ay xaruntiisa tahay caasimadda dalka Soomaliya ee magaalada Mugadishu, iyadoo qurbo-jooga Somaalidana ay dhadhaqaaqan ugu deeqi doonaan maalkooda, caqlikooda iyo waqtikooda.



Maxamed Cabdi Faarax
Dalmar Media, Netherlands