
Sabti, September 10, 2011 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo ka hadlayay shirkii logoa hadlayay abaaraha ka jira Bariga Afrika ee lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay xaaladda abaareed ee ka taagan dalka Soomaaliya ay gaartay heerkii ugu xumaa.
Zenawi ayaa sheegay in gobollada ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ay yihiin goobaha ugu badan ee macluushu ay ku habsatay, isagoo ugu baaqay dalalkii shirka kasoo qaybgalay in dadka ku nool gobolladaas loo gurmado.
"Gobollada iyo deegaannada ay ka taliso Xarakada Al-shabaab dhibaato ba'an ayaa ka taagan, balse goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM dadka ku sugan waxbaa loo qabtay," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Itoobiya.
Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in la taageero DKMG ah iyo ciidamada AMISOM isagoo xusay inay wax ka qaban karaan xalaadaha bani'aadamnimo taagan, isagoo intaas ku daray in raashin badan loo diro gobolladaas ay muhiimad gaar ah leedahay.
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ku baaqay in ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ay weerarro ku qaadaan gobollada ay ka taliso Al-shabaab si gargaarka loo gaarsiiyo dadka u baahan, wuxuuna sheegay in qof walba oo howlgalkaas qayb ka qaadanaya lasoo dhaweeyo.
Dowladda Itoobiya ayaa sannadihii 2007 illaa 2009 waxay Soomaaliya u diray kumannaan ciidammo ah si ay u difaacaan dowladdii xilligaas jirtay ee uu madaxda ka ahaa Col. C/llaahi Yuusuf taasoo weerarro joogto ah kala kulmaysay Midowgii Maxkamadaha Islaamka oo awood ku lahaa Muqdisho.
Hadalka ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa imaanaya xilli Qarammada Midoobay ay sheegtay in gobollada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla ay ku dhufatay macluul aad u daran, taasoo ka dhalatay abaaraha, iyadoo ka digtay in gobollo kale ay macluushu ku fidi karto toddobadyada soo socda haddii aan laga hortegin abaarta.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya