Maamulka Al-shabaab ee Degmada Jamaame oo taageero weydiistay odayaasha iyo waxgaradka degmadaas

Sabti, September 10, 2011 (HOL) — Maamulka Al-shabaab ee degmada Jamaame oo ka mid ah degmooyinka gobbalka Jubbada hoose ayaa kulan uu la yeeshay odoyaasha dhaqanka degmadaasi waxay uga wadahadleen arrimo ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa taageerada ay odoyaasha deegaanka u fidinayaan maamulka Al-shabaab ee degmadaas.

Kulakan ayaa waxyaalihii looga wadahadlay waxa kamid ah sidii ay odoyaasha deegaanka uga qeybqaadan lahaayeen inlamarkaasina ay aragti isku mida uga yeelan lahaayeen dagaallada ay Xarakada Alshabaab kula Jirto dowladda KMG ee Soomaaliya, AMISOM iyo Ururka Ahlusunna Waljameeca.

Maamulka ayaa ugu baaqay odoyaashii kulanka kasoo qeybgalay in ay ka hortagaan isku dayyada ay dowladda KMG ee Soomaaliya ku dooneyso in ay awood kula wareegto goobaha ay ka taliso xarakada Alshabaab, waxaana odoyaashii kulanka ka qeybgalay laga codsaday in ay baaq u diraan dhalinyarada u dagaalameysa dowladda KMG ee kasoo jeeda beelaha ay matalaan.

Suldaanka Beesha Dir ee degmada Jamaame Xaaji Caagane Maxamuud oo kulankaasi ka qayb galay ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in mudadii uu kulanka socday diirada lagu saaray in la iska kaashado dagaalka ay xarakada Alshabaab kula Jirto Dowladda KMG iyo taageerayaasheeda, waxaana uu sheegay in laga codsaday in ay keenaan dhalinyaro ka qeybqaadata dagaallada ay Alshabaab kula jirto Dowladda KMG, AMISOM iyo ururka Ahlusunna Waljameeca.

Kulanka ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo ceynkan oo kale ah oo ay xarakada Alshabaab la yeelato odoyaasha dhaqanka beelaha dega gobollada Jubooyinka, kuwaa oo aalaaba looga codsado odoyaasha in ay ka qeybqaataan dadaallada ay xarakada Alshabaab ugu jirto sidii ay maamulkooda ugu baahin lahaayeen guud ahaanba dalka Soomaaliya

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya