
Sabti, September 10, 2011 (HOL) — Dhallinyaro Soomaaliyeed oo deggen magaalada Gotenberg ee dalka Sweden ayaa waxay deeq lacageed oo gaaraysa $330 (saddex boqol iyo soddon dollar) soo garsiiyeen Buraay Maxamuud oo ah gabar la xanuunsan buro ay ku dhalatay oo kaga taalla wajiga, gaar ahaan afka gudihiisa.
Deeqdan lacageed ayaa waxaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee daggan Gotenberg kasoo ururiyay Cabdi Afrax Cosoble, iyadoo loosoo wakiishay Kamaal Maxamed Khayre oo ku sugan Muqdisho.
Kamaal ayaa sheegay in deeqda lacageed ay gaarsiiyeen Buraay oo ku nool deegaanka Maryan-gubaay oo ka tirsan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna Kamaal sheegay inay wadaan qorshe ay dibadda ugu qaadayaan si looga qalo burada.
"Walaalaha Soomaaliyeed ee deeqdan soo dhiibay iyo Cabdi Afrax oo kasoo ururiyay waan uga mahadcelinaynaa, waxaana deeqda gaarsiinnay Buraay," ayuu yiri Kamaal oo sheegay inay meel gabo-gabo ah mareyso howsha dibadda loogu qaadayo Buraay si looga qalo burada dhibka ku haysa oo ay ku dhalatay.
Buraay Maxamuud oo ah gabar dhallinyaro ah ayaa burada ku taalla waxaa la sheegay inay tahay mid ay dhalatay, iyadoo loogu magacdaray burada, taasoo la koreysay jirkeeda marba marka ka dambeysa.
Kamaal Maxamed, wuxuu sheegay in dhawaan ay Buraay keeneen Muqdisho si ay baaris ugu sameeyaan burada, wuxuuna xusay inaysan isku bedelin Kaankaro ayna doonayaan in dhawaan ay u qaadaan dalalka Yurub si looga qalo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya