Dowladda Somalia oo sheegtay in Muqdisho aysan ku oollin xabsiyo ay maamusho CIA-da Mareykanka

Sabti, September 10, 2011 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay wararka sheegaya in saldhig qarsoon oo dhulka hoostiisa ku yaalla ay CIA-da Mareykanku ku leeyihiin Muqdisho, kaasoo lagu xiro dadka looga shakisan yahay falalka argagaxiso.

Diidmada DKMG ah ee ku saabsan arrintan ayaa timid kaddib markii hay'ad xuquuqda aadanaha u doodda oo fadhigeedu yahay dalka Britain oo magaceedu yahay UK Reprieve ay sheegtay inay daliil cad u hayso xabsigaas, iyadoo sheegtay inuu ku yaallo meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayna ku xiran yihiin caruur yaryar oo ay dadoodu ka hoosayso 14-sano.

Hay'adda xuquuqda aadanah ayaa sheegay inay la kulantay ruux Kenyan ah oo ku xirnaa xabsigaas 18-bilood kaasoo sheegay in si xun loola dhaqmay intii uu ku jiray xabsiga.

Saraakiisha dowladda Mareykanka ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan.

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo la hadlay BBC-da ayaa diiday eedeyntaas, wuxuuna xusay inuusan ogeyn warkaas, warkuna yahay mid aan jirin.

Dr C/weli Gaas ayaa sheegay Khamiistii inay diyaar u yihiin wadahadallo ay la furaan Xarakada Al-shabaab, balse wuxuu shuruud uga dhigay inay marka hore hubka dhigaan ayna qaataan go'aan nabadeed.

Haweeney ka tirsan hay'adda xuquuqda aadanaha ee UK Reprieve, Claira Gutteridge ayaa BBC-da u sheegtay toddobaadkii hore in xabsiga uu yahay mid dhulka ka hooseeya uuna si aad ah ugu dhow yahay Villa Somalia.

"Xabsiga waxaa lagu xiray Axmed oo laga soo qabtay dalka Kenya 18-bilood ka hor. Waxaana xabsiga ilaaliya askar Soomaali ah, balse kuwa Mareykanka waxay fursad u heli karaan markii ay doonaan inay xabsiga tagaan oo maxaabiista ay su'aalo weydiiyaan," ayay tiri Gutteridge.

Bishii July ee sannadkan ayaa wareys lagu magacaabo Nation Magazine oo kasoo baxa dalka Mareykanka wuxuu qoray inay jiraan xabsiyo qarsoodi ah oo Mareykanku uu ku leeyahay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya