Sarkaal u hadlay taliska AMISOM ayaa sheegay inay diyaariyeen qaabka uu u dhici doono ballaarinta howlgalka, balse wuxuu sheegay inay dhibaato ka haysato tirada ciidamada oo aad u yar iyo iyagoo aan haysan hub ku filan iyo taageero dhinaca cirka ah.
"Waxaan u diyaar-garownay inaan howlgalkeenna ku ballaarino Soomaaliya oo dhan gaar ahaan gobollada ay ka taliso Al-shabaab," ayuu yiri sarkaalka AMISOM oo aan la sheegin magaciisa, isagoo intaas raaciyay. "Hadda ciidamadeennu waxay ku sugan yihiin goobo ay Al-shabaab weerarrada kasoo qaadi jirtay sida Isbartiibada weyn ee Muqdisho."
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho ayaa waxay tiradooda lagu sheegaa 9,000 askari oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, waxayna buuxiyeen fariisimo ay Al-shabaab banneysay horraantii bishii hore, taasoo ay ku sheegeen isbedel dhinaca dagaalka ah.
Afhayeenka AMISOM Maj. Paddy Ankunda oo isaguna la hadlay telefishin xaruntiisu tahay Kampala ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay howlgalkooda ku baahiyaan goobo cusub oo ay ka mid yihiin Kismaayo iyo Baydhabo oo ay ka taliso Al-shabaab markii ay soo gaaraan ciidamada cusub ee ay dalbadeen.
Hadalka AMISOM kasoo baxay ayaa ah mid ku siman afka, balse waxaa dhiman fulintiisa, iyadoo haddii ay ka dhabeeyaan hadalkan ay noqonayso markii ugu horreysay oo ciidamada Midowga Afrika lagu arko magaalooyinka ka baxsan Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya