Mudane Baarlamaan oo sheegay in 11-qof ay maalin walba abaaraha awgood ugu dhintaan gobolka Gedo

Sabti, September 10, 2011 (HOL) — Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in abaaraha ka taagan gobolka Gedo ay maalin walba dilaan 11-qof oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn, kuwaasoo ka mid ah dadkii ay abaaruhu ka dhammeeyeen xoolahooda.

Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay xukuumadda KMG ah iyo hay'adaha gargaarka inaysan sidii la rabay u caawin dadka ku sugan gobolkaas oo uu sheegay inuu ka mid yahay gobollada ay abaaruhu sida ba'an ku sameeyeen.

"Abaaraha ka taagan Gedo waa kuwo sii adkaanaya maalin walba, iyadoo tirada dadka ku dhinta ay sare u kacday iyadoo gaartay 11-qof maalin walba," ayuu yiri mudanaha oo sheegay inuu ku sugan yahay gobolka Gedo.

Mudanuhu wuxuu soo dhaweeyay kaalmooyinka la siiyay dadka ku sugan xeryaha dalka Kenya iyo Itoobiya iyo kuwa kuwa barakac ahaanta ku tagay Muqdisho, balse wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay in iyagana la caawiyo dadka weli ku sugan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen.

"Eedda ugu badan ee kaalmo la'aanta dadka ku dhibaateysan gobollada ay ka taliso DKMG ah waxaan saarayaa hay'adaha gargaarka oo aan xil weyn iska saarin inay dadkaas kaalmooyin siiyaan iyo xukuumadda oo aan indho dheer ku fiirinayn gobolladaas," ayuu yiri xidhibaan Maxamuud Sayid.

Hadalka mudanahan ayaa imaanaya iyadoo hay'adda UNOCHA ee Qarammada Midoobay u qaabilsan isku duwidda gargaarka bani'aadamnimo ay ka digtay in toddobadyada soo socda ay shan gobol oo uu ku jiro gobolka Gedo ay ku baahi karto macluusha ka dhalatay abaaraha ee ka taagan Soomaaliya.

Gobolka uu xidhibaankani ka hadlay dhibaatada ka taagan ayaa ah gobol ay inta badan ka taliso dowladda KMG ah, iyadoo madaxda dowladdu ay sheegaan inta badan in gobollada Al-shabaab ay ka taliso aan la gargaarsiin dadka ku sugan la gargaari karin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya