
Sabti, September 10, 2011 (HOL) — Dadweyne ka caroorday shan askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada xuduudda ee dalka Masar oo ciidamada Isreal ay toogteen ayaa xalay burburiyay safaaraddii ay Yuhuudda ee Qaahira, iyadoo aysan jirin cid ka tirsan shaqaalaha safaaradda oo waxyeello gaartay.
Rashadaha ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhintay hal qof oo uu wadnuhu istaagay iyadoo ay ku dhaawacmeen 443-qof oo kale, kuwaasoo dhammaantood ahaa dad u dhashay dalka Masar iyadoo ciidamada ammaanka ee Masar ay billaabeen inay ka hortagaan mudaaharaadyada.
Wakaaladaha wararka ayaa baahiyay in dajirihii Israel ee Masar, Yitzhak Levanon qoyskiisii iyo shaqaalihii safaaradda oo ka koobanaa 80-qof ay diyaarad milateri oo Israel leedahay ka qaadday Qaahira, iyadoo AFP ay sheegtay in ciidamada Masar ay badbaadiyeen lix qof oo Yuhuud ah oo ku xayirmay safaaradda gudaheeda.

Dukumiintiyo safaaraddu lahayd ayaa la sheegay in dadkii dibadbaxa dhigayay ay ksoo daadiyeen dabaqa labaatanaad ee safaaradda, iyadoo rabshaduhu ay xalay oo dhan ka socdeen hareeraha safaaradda.
Sidoo kale, rabshadaha ayaa lagu gubay gaadiid ay lahaayeen ciidamada dalka Masar, iyadoo rabshado kale oo ka dhacay deegaanno kale lagu gubay iyagana gaadiid ay ciidamada ammaanka Masar lahaayeen.
Ra'iisul wasaaraha Masar ayaa joojiyay safar uu ugu ambabaxi lahaa dalka Poland, isagoo rabshadahan dillaacay awgood isugu yeeray golihiisa wasiirrada si ay uga hadlaan mudaaharaadyada oo u muuqda kuwo mugdi geliyay xiriirkii Israel iyo Masar.
Mudaaharaadyadan rabshadaha wata ayaa noqonaya kuwii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca dalkaas tan iyo markii uu xukunka ka dagay bartamihii sannadkan Xusni Mubaakar oo ahaa madaxweynihii dalkaas, kaasoo isagoo xanuunsan ay dacwad kaga socoto maxkamadda Masar.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya