Shir looga hadlayo ammaanka Soomaaliya oo ka furmay Nairobi (SAWIRRO)

Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) — Shirkan oo lagu qabtay hotelka Crown Plaza ee magaalada Nairobi ayaa lagu martiqaaday ururada kala duwan ee bulshada iyo shakhsiyaad kale oo ku jira saaxada siyaasadda ee Soomaaliya.

Shirkan maanta furmay oo  uu soo qaban qaabiyay machadka lagu barto nabadda iyo ammaanka (IPSS) ee  ku yaalla magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa looga hadlayaa qaabka ammaanka Soomaaliya loo soo celin karo.

Kulankan oo socon doona saddex maalmood ayaa furitaankiisii waxaa ka hadlay madaxda machadka Institute for Peace and Security Studies (IPSS) oo ka sheekeeyay sida xal looga gaaray ammaanka qaar kamid ah wadamada Afrika ee horay u soo maray dagaallada sokeeye, iyagoo tusaale u soo qaatay wadamada DRC Congo iyo koonfurta Suudaan, Waxaana ay Soomaalida ku boorriyeen inay hormuud u noqdaan xal u helidda amni darrada ka jirta dalkooda.

Cabdi xakiin Yuusuf (Caynte) oo kamid ah dadkii fududeeyay qabsoomidda shirkan isla markaana ah guddoomiyaha ururka Somali Forum for Progress (SFP) ayaa tilmaamay in ammaanka Soomaaliya ay muhiim tahay in loo daayo Soomaalida oo ay iyagu go’aan ka gaaraan.



Najmo Axmed Cabdi oo ah gabadha hogaamisa ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee Somali Youth Leadership Forum (SYLF) oo ka hadashay kulanka ayaa tilmaantay in haweenku ay  ciyaari karaan door muhiim ah, marka laga hadlayo nabadda Soomaaliya.

Waxaana dhammaan dhinacyadii kasoo qayb galay shirka oo la dhex dhigay dood ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee Soomaaliya loo nabadayn karo ay xuseen in laga soo dhiso nabadda xagga hoose, iyadoo lagu salaynayo qaab dhaqanka wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed oo kaashanaysa hogaamiyayaasha qabaa’ilka, culimada, haweenka iyo saxaafadda oo la isugu gudbiyo farriimo xambaarsan nabadda iyo wada nolaanshaha.

Shirka maanta Nairobi ka furmay oo la soo gaba-gabaynayo maalinta arbacada ah ayaa ku soo beegmay xilli uu kasoo raynayo ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho tan iyo markii ay Alshabaab isaga baxeen magaaladaasi.











Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya

More News