Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) — Saraakiil ka tirsan dowladda KMG iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM oo maalmihii aynu soo dhaafnayba jooga magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland, ayaa hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Saraakiishan ayaa waxaa horkacaya taliyaha ciidamada xoogagga dalka Soomaaliya Gen C/qaadir Shiikh Cali Diini waxaana lagu wadaa in kulamo amaanka ku saabsan ay la yeeshaan mas’uuliyiinta maamulada Puntland iyo Galmudug ee W/qooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Saraakiisha oo xiligan ku sugan Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa kala hadllayay mas’uuliyiinta Galmudug sidii leysaga kaashan lahaa amaanka, iyaga oo dhinaca kalana u guurgalaya xaalada nabad-galyo deegaannada uu ka jiro maamulka Galmudug.
Marka laga soo tago in xubanhan ka socda saraakiisha ciidamada xoogagga dalka iyo kuwa AMISOM Idho Idheynayaan nabad-galyada deegaannada Puntland iyo Galmudug, waxaan meesha ka mareyneyn in ay kala hadllayaan mas’uuliyiinta labad dhinac diyaarinta ciidamo loo qaado tababar dibada, oo waxaa ay wararku sheegayaan in xitaa goobihii ay maanta booqdeen ay ku jiraan xero ay ku jireen ciidamo la doonayo in dalka dibadiisa tababar lagu siiyo.
Magaalada Garoowe oo ay wafdigan ku hormareen ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu qabto wajiga labaad ee shirka wada tashiga Soomaalida kaasoo wajigiisii hore lagu soo gabageeyay magaalada Muqdisho horaantii bisha ina dhaaftay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya